Library Advanced Search

Latest Documents and Publications listed. Use search terms in the box below to find what you need

Saadaasha Roobka Soomaaliya ee Deyrta 2018

Saadaasha dhawaan uu soosaartay Shirweynaha Saadaasha Cimilada ee Weyn Geeska Afrikada (GHACOF50), oo soo baxday 28 Agoost 2018, waxay tilmaameysa inay dhici karto in roobabka Deyta (Oktoobar- Diseembar) ay noqdaan caadi iyo kuwo sarreeya caadiga guud ahaan Soomaaliya. Si gaar ah, saadaashu waxay muujineysaa in qiyaastii boqolkiiba 35 ay roobabku caadiga ka sarreeyaan gudaha Gobollada Waqooyi Galbeed. Qiyaastaasu waa ka sarreysaa (40%) in kale ee dalka (Jaantuska 1). Guud ahaan, suurtogallada roobabka caadiga ah ilaa kuwa caadiga ka sarreeya waa 75 boqolkiiba dalka oo dhan. Sida laga soo xigtay xog laga helay (GHACOF50), xilliga Deyrta 2018 waxaa la rajeynayaa in ay bilawdaan wax ka hor inta caadi ah oo ay si caadi ah uga joogsadaan qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya balse joogsiga hore waxay u badan tahay isla gobollada waqooyi-galbeed ee dalka. Waxaa sidoo kale jira oo laga yaabaa heerkulku kordha oo ka diirran isku celceliska heerkulka caadiga ah ee Soomaaliya. Celceliska la filayo ee ka korreeya celceliska roobabka Deyrta waxaa la rajeynayaa in ay sii wanaajiyaan daaqa iyo biyaha u helitaanka xoolaha, hagaajinta xaaladda xoolaha iyo taranka iyo fududeynta sii kordhida beerashada dalagyada beeraha gudaha goobaha dalagyada lagu beerto ee Soomaaliya. Dhanka kale, roobab caadi ah ilaa caadi ka sarreeya ayaa sidoo kale laga yaabaa in ay ka da’aan qaybo ka mid ah buuraleyda sare ee Itoobiya kuwaas oo si aad ah uga qayb weyn ka qaadanaya socodka labada webi ee ugu waaweyn Soomaaliya (Jubbooyinka iyo Shabeelle). Natiijo ahaan, waxaa jiri doona khatar kordhaysa oo ah fatahaadaha webiyada Jubba iyo Shabelle. Goobaha hooseeya ee Galgaduud, Mudug, qaybo ka mid ah Nugaal iyo gobollada kale ayaa laga yaabaa inay la kulmaan fatahaado inta lagu jiro xilliga Deyrta soo socda sababtoo ah waxaa ka jira saadaasha roobab culculus. Saamaynta la filayo 1. Beeraha iyo Xoolaha Roobabka aad u kordhaya xilligii Deyrta 2018 waxaa la rajeynayaa in ay kor u qaadaan qoyaanka ciidda, taas oo fursado u abuuraysa in ay aad u kordhaan labada qayb ee dalagyada beeraha iyo koboca waxsoosaarka beeraha iyo shaqooyin ka helidda meelaha dalagyda beeraha ku tiirsan ee dalka. Celceliska la filayo oo ah mid ka badan celceliska roobabka Deyrta ayaa la rajeynayaa inuu sii wanaajiyo daaqa iyo biyo u helitaanka xoolaha taas oo sii wanaajinaysa xaalada xoolaha iyo dhalmada. 2. Deegaanka Waxaa lagugula talinayaa in la hirgeliyo tallaabooyin waxqabad oo lagu ilaaliyo ciidda si loo yareeyo xaaluf deegaameedka sababaya ciid-hallowga, boholaha dillaaca iyo nabaad guurka. Beelaha maxalliga ah waa in sidoo kale lagu dhiirrigeliyo in ay beeraan dhir deegaanka ku habboon iyo sidoo kale calafka xoolaha si loo kordhiyo dhirta iyo geedaha dhulka dedka u ah. 3. Maareynta Musiibada Marka eego roobab culus ee la saadaalinayo inay ku dhacaan dooxooyinka labada webi Jubba iyo Shabeele ee gudaha Soomaaliya iyo meelaha u dhawdhaw buuraleyda sare Itoobiya, ayaa loo badinayaa in ay sabab u noqdaan fatahaado meelaha gebiyada webiga daciifka ah iyo kuwa furan. Waxaa jira dhowr gebiyo wabiga oo furan oo khatar keeni kara xitaa xaaladaha roobabka caadiga ah. Daadad burqanaya ayaa sidoo kale laga filan karaa meelaha daadadka u nugul, ee hooseeya. Dawladda, maamullada degaanka, beelaha wabiyada iyo la-hawlgalayaasha ayaa waxaa lagula talinayaa in ay qaataan tallaabooyin yaraynaya halista fatahaada iyaga oo xiraya goobaha gebiyada webiyada furan ka hor bilawga roobabka bisha Oktoobar. 4. Khayraadka Biyaha Biyaha helitaanka, isticmaalka xoolaha iyo dadka labadaba, ayaa la filayaa inuu horumar sameeyo taas oo ah natiijada saadaasha celceliska oo ka sarreeya celceliska roobabka Deyrta. Tani waxay abuureysaa fursado ah qabsashada biyaha iyo u kaydinta isticmaalka mustaqbalka ee beelaha degaanka. Sidaa darted, beelaha waxaa lagu dhiirigelinayaa in ay kordhiyaan tallaabooyinka biyo qabsashada iyo kaydinta iyaga oo garabsanaya maamullada degaanka, xukuumadda iyo la-hawlgalayaasha.

+ More details

Publication Type:

Rainfall Outlook

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Saadaasha Roob-di’idda Soomaaliya 01-11-2017

Roobab fudfudud ayaa lagu arkayaa inay ka sii socdaan dhawr meelood oo ku kala durdurugsa gudaha dalka oo idil intii lagu jirey dhawrkii maalmood oo dambe. Saadaasha roob-di’idda la isugeeyey ee saddexda maalmood oo soo scota waxay muujineysaa koror la filayo oo roob-di’id ah gaar ahaan gudaha gobollada Soomaaliya ee Mudug, Galguduud, Hiiraan, Bay iyo Bakool iyo Buuraleyda sare ee Itoobiya. Xaddiga roobabka waxaa la filayaa inn uu ku sii faafo bed/masaaxad ahaan iyo tiro ahaan markii toddobaadku sii socdo oo loo gudbo toddobada maalmood ee saadaasha roob-di’idda. Sidaa awgeed, heerarka webiga ayaa la filayaa inay sii kordhaan taaasoo ku keeni karta halis fatahaad bartamaha iyo dhanka hoose ee labada webi Jubba iyo Shabeelle ilaa dhammaadka toddobaadka. Daadadka ayaa sidoo kale laga yaabaa inay ka dhacaan meelaha ay saadaashu ku tilmaameyso roob-di’id badan.

+ More details

Publication Type:

Rainfall Forecast

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Saadaasha Roob-di’idda Soomaaliya 06-11-2017

Roobab fudfudud ayaa lagu arkayaa inay ka sii socdaan dhawr meelood oo ku kala durdurugsa gudaha dalka oo idil intii lagu jirey dhawrkii maalmood oo dambe. Saadaasha roob-di’idda la isugeeyey ee saddexda maalmood oo soo scota (Khariidadda 1) waxay muujineysaa koror la filayo oo roob-di’id ah gaar ahaan gudaha gobollada Soomaaliya ee Mudug, Galguduud, Hiiraan, Bay iyo Bakool iyo Buuraleyda sare ee Itoobiya. Xaddiga roobabka waxaa la filayaa inn uu ku sii faafo bed/masaaxad ahaan iyo tiro ahaan markii toddobaadku sii socdo oo loo gudbo toddobada maalmood ee saadaasha roob-di’idda (Khariidadda 2). Sidaa awgeed, heerarka webiga ayaa la filayaa inay sii kordhaan taaasoo ku keeni karta halis fatahaad bartamaha iyo dhanka hoose ee labada webi Jubba iyo Shabeelle ilaa dhammaadka toddobaadka. Daadadka ayaa sidoo kale laga yaabaa inay ka dhacaan meelaha ay saadaashu ku tilmaameyso roob-di’id badan.

+ More details

Publication Type:

Rainfall Forecast

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Saadaasha Roob-di’idda Soomaaliya 13-11-2017

Tobankii maalmood oo dambe waxaa ka jirey roobab aad iyo aad u culus gudaha qaar ka mid ah gobollada Koonfureed iyo bartamaha Soomaaliya oo sababay fatahaad iyo barkac ka dhacay gudaha dhawr meelood. Gobolka Bay waxaa ka da’ay xaddiyada roobabkii ugu cuslaa oo goobaha qaar wuxuu dhawr maalmood sare ugu kacay roobabkii celceliska sanadalaha ahaa. Xaaladaha roob-di’idda waxaa la filayaa in aya raadaan toddobaadka soo socda oo ka muuqata saadaasha roob-di’idda 3-da maalmood iyo halka toddobaad sida mid mid ahaan ku cad Khariiradadda 1 iyo Khariiradda 2. Halkas waxaa ka jiraya halis fatahaadeed ah dhexdhexaad ilaa mid sare gaar ahaan bartamaha iyo inta hoose oo ay maraan Webiyada Juba iyo Shabeelle meelahaas oo hadda heerarka webiyada ay tahay mid aad u sarreysa. Isticmaaleyaaasha waxaa lagu wargelinaya in waxaani ay yihiin saadaal oo ay dhici karto in mararka qaar ay wax iska weydaartaan saadaasha iyo xaqiiqda qadarka roobka la helay. Saadaasha, heerarka webiga la arkay iyo qadarka roobka-da’a waxaa loo cusboonaynsiiyaa si maalinle ah waxaana laga helikaraa gudaha xiriirkaan: http://systems.faoso.net/frrims/ .

+ More details

Publication Type:

Rainfall Forecast

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Somalia Rainfall Forecast 18-10-2017

Saadaasha Roob-di’dda la isu geeyey saddexda maalmood waxay tilmaamaysaa in Gobollada Dhexe iyo kuwa Koofureed ee dalka ay roobabku ay u socon doonaan kuwo fudud ilaa dhexdhexaad sidaas oo kale buuraleyda sare ee Itoobiya waxaana la filayaa in uu kordho xaddigi iyo baaxad ahaan inta toddobaadku socdo, sida lagu muujiyey. Qaybaha Galbeed ee Soomaaliland iyo qaybaha koonfureed ee Soomaaliya oo ku jiraan Jubada Hoose, Shabeelaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe waa ay qalalnaan doonaan inta lagu jiro muddada la saadaalinayo. Heerarka webiga dhulka bartamaha Shabeelle hadda kor ayey u kacsan yihiin oo waxaa ka jira halis xoogan oo fatahaad gudaha Jowhar iyo deegaannadeeda.

+ More details

Publication Type:

Rainfall Forecast

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Saadaasha Roob-di’idda Soomaaliya 25-10-2017

Saadaasha Roob-di’dda la isu geeyey saddexda maalmood (Khariidadda 1) waxay tilmaamaysaa in gobollada Koonfureed ee xuduudka la leh Kenya meelo ka tagtagsan oo ku yaal Soomaaliland ay heli doonaan roobab fudfudud. Waxaa sidoo kale saddex beri gudahooda laga filayaa roobab fudfudud qaybo ka tirsan gobolka Bari ee xagga Waqooyi. Saadaasha hal toddobaad (Khariidadda 2) waxay sheegaysaa roobab kordhaya gudaha Soomaaliland iyo qaybaha sare dooxooyinka Juba iyo Shabeelle ee gudaha buuraleyda saree e Itoobiya. Heerarka webiga dhulka bartamaha Shabeellehadda kor ayey u kacsan yihiin oo waxaa ka jira halis fatahaad oo dhexdhexaad ah gudaha Jowhar iyo deegaannada lagu xusay saadaasha roob-di’idda.

+ More details

Publication Type:

Rainfall Forecast

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Somalia Rainfall Forecast 30-10-2017

Roobab fudud ilaa kuwo dhexdhexaad ayaa sii socday guud ahaan dalka iyo meelo badan oo gobollada koonfureed ah oo laga diiwaaniye roobab ilaa xad fiican. Roobab culculus ayaa la saadaalinayaa toddobaadka soo socda dhexdhiisa (Khariidadda 2) inay ka da’aan gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Buuraleyda sare ee Itoobiya ayaa sidoo kale la filayaa in ay hesho roobab culculus inta lagu jiro toddobaadka la saadaalinayo. Iyadoo la tixgelinayo saadaasha roob-di’idda, heerarka webiga ayaa la filayaa in ay kor u kacaan oo ay ku sababaan ilaa dhammaadka toddobaadka halis fatahaado dhexdhexaad ilaa kuwo sare gudaha deegaannada dhexe iyo kuwa hoose ee Webiga Shabeelle.

+ More details

Publication Type:

Rainfall Forecast

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Saadaasha Roob di’idda Soomaaliya ee Deyrta 2017

Roobabka deyrtu inta badan waa ka gaaban yihiin kana tiro yar yihiin kuwa Guga. Hase ahaatee, waxay waxtar u yihiin taageeridda hawlaha waxsoosarka beeraha, daaqa iyo sare kaca biyo u helidda isticmaallada kala duwan. Guud ahaan xilligu wuxuu bilowdaa daba yaaqada Sabteembar wuxuuna dhammaadaa Nofeembar.Si kasta oo ay ahaataba, waa iska bedbedelaa meel ka meel dhammaan dalka iyadoo ay qaybaha Waqooyi roobabka helaan waqti aad uga horreeya qaybaha koofureed. Shirka wacaalka Saadaasha Cimilada Geeska Afrikada Weyn wuxuu xaqiijiyey inuu hoos u dhac ku yimid fursadda lagula kulmayo dacdo El Nino ah inta lagu jiro bilaha Sebteembar ilaa Diseembar. Saadaasha roob di’iddu waxay muujineysa in xilliga Deyrta ee Soomaaliya laga filanayo uu noqonayo mid caadi ah (40% qiyaastii roobabku waa caadi) iyadoo loo badinyo inay suurtogal tahay in 35% ay roobabku caadiga ka hooseyaan badi qaybaha dalka. Tan waxaa sidoo kale ka mid ah qaybo ka tirsan buuraleyda sare ee Itoobiya oo biyo ku biiriya webiyada Juba iyo Shabeelle ee gudaha Soomaaliya. Waxaa intaa dheer, Gobollo xeebeedka Jubada Hoose iyo Shabeellaha Hoose ayaa waxaa la filayaa in ay la kulmaan roobab caadi ah (40% qiyaastii roobab caadi ah) oo laga yaabo in 35% ay noqdaan wax korreeya roobabka caadiga. Saadaashani waa saadal la isku afgartay oo loogu talagalay dhageysteyaasha gobolka oo wax ka qabta roobabka wadar ahaan marka isugeeyo muddada saddexda bilood oo ka bilaabmaya Oktoobar ilaa Diseembar 2017. Hase yeeshee, SWALIM iyo la-hawlgaleyaasha kale ee farsameed waxay sii wadi doonaa waafajinta saadaashaan muddooyinka gaagaaban ee soo socda oo waa ay idin lawadaagi doona iyagoo ku soo gudbin doona jariidadaha joogtada ah inta xilli roobaadku uu socdo. Marka la eego xaaladaha jira iyo saadaasha roob di’idda, waxaa la yaabaa in dhibaatooyin la xiriira biyo yaraan ay ka sii socdaan gaar ahaan qaybaha Waqooyi ee dalka halkaasoo saddexdii xilli roobaad ee hore ay ahaayeen kuwo ka hooseeya heerka caadiga ah. Waxaa sidoo kale jira suurtogal ahaansha qulqulatooyin u dhexeeya bani’aadan-xoolo oo isaga hor imaanaya ilaha biyaha xaddidan oo meelahaas ka jira. Kormeer si dhow loogula socdo xaaladda iyo tallaabooyin wax lagu bedelayo ayaa lagama maarmaan u ah sidii si waxkuool ah wax looga qabto xaaladda. Si kastaba ha ahaatee, meesha lagama saari daadadka butaaca oo ka dhaca iyo sidoo kale khadka webiga fataahaya oo sababtu tahay gebiyada webiga oo daciif iyo daamanka webiga oo loo jebiyo iyadoo looga dan leeyahay in waraab loo adeegsado. Waxaa laga filayaa in biyo ka helitaanku ka kordho meelaha roobabku ay caadi ka yihiin. Xaaladaha noocaas ah, waa in bulshooyinku ay ka faa’ideystaan roobabka oo hoor-qabsadaan marka ay da’ayaan si ay mustaqbalka u isticmaalaan, iyagoo adeegsanaya farsamooyin fudud. Dhanka kale, hadii ay jiraan roobab hoos u dhacsan waxaa laga yaabaa in dib-u-buuxsamidda meelaha ilaha biyaha dhusha sare ah ay yaraato sidaas awgeed bulshooyinku waa inay khayraadyada biyaha la haysto u isticmaalaan si beekhamin/tashiil leh.

+ More details

Publication Type:

Rainfall Outlook

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Saadaasha Roob-da’idda Soomaaliya 09-05-2017

Labadii maalmood oo u dambeeyey ayaa waxaa sii socday roobab fudud ilaa kuwo dhexdhexaad ah oo ka da’ay dhawr meelood oo dalka ku kala yaal. Roobabka waxaa la filayaa in ay toddobada maalin ee na soo xiga ka sii socdaan gudaha qaybo badan oo dalka ka tirsan. Saadaasha roob da’idda ee toddobaadka soo aadan (Khariirad 2), waxay muujineysaa in roobab dhexdhexaad ah ilaa kuwo culus ay ka jiri doona gudaha Soomaaliland iyo Puntland. Waxaa gudaha qaybaha koonfureed laga filayaa roobab fudud ilaa kuwo dhexdhexaad ah halka gobollada dhexe la filayo in ay isla muddadaas ahaadaan qalayl. Buuraleyda sare Itoobiya ayaa sidoo kale iyagana la filayaa inay sii ka socdaan roobabka da’aya isla muddadaas inta lagu jiro. Tani ayaa markeeda horseedi doonta inay sii kordhaan heerarka biyaha gudaha webiyada Juba iyo Shabeelle. Fatahaado webi ayaa laga soo sheegay aagga bartamaha webi Shabeelle taas oo ay ugu wacan tahay dacallo furan iyo gebiyada oo tag daran. Weli waxaa halkaas ka jira halis fatahaad dhexdhexaad ah qaybaha dhexe iyo xagga hoose ee webiga Shabeelle. Ma jirto wax halis fatahaad ah oo laga filayo jiidda webi Juba. Isticmaaleyaash xogtaan waxaa loo sheegayaa inay waxaani yihiin saadaal oo ay dhici karto in mararka qaar ay wax isweydaartaan saadaasha iyo xaqiiqda qadarka roobka la helay.

+ More details

Publication Type:

Rainfall Forecast

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Saadaasha Roob-da’idda Soomaaliya 04-05-2017

Labadii maalmood ee laga soo gudbay roobab fudfudud ilaa kuwo dhexdhexaad ah ayaa ka sii socoday gudaha dhawr meelood oo ka yaal dalka oo dhan.Gudaha Gobollada Togdheer iyo Waqooyi Galbeed ee gudaha Somaalilan waxaa la diiwaangeliyey roobab fiicfiican kuwaas oo si habbon ugu qaybsanaa dhul iyo waqti ahaanba tan iyo 1-dii May 2017. Qaybaha koonfureed ee dalka sidoo kale waxay heleen roobab fiicfiican gudaha dharw meelood oo kooban tan iyo bilowgii bishaan May. Marka la eego labadii maalmood eedhanbe waxaa jirey gudaha Puntland hoos-u-dhac waxkuool ah ee roobabkii da’ayey. Roobabka waxaa la filayaa in ay ka sii socdaan gudaha dalka intiisa badan labada maalmood ee soo socota, laakiin hab si hooseysa ah. Buuraleyda saree e Itoobiya waxaa sidoo kale la filayaa inuu sii socdo helitaanka roobabka isla muddada tan. Arrintaani marka waxay horseedeysaa in heerar webiyada Juba iyo Shabeelle ay kordhaan. Fataad webiyeed ayaa laga soo sheegay Gobolka Bartamaha webiga Shabeelle iyadoo ay ugu wacan tahay daamanka oo furan iyo gebiyada webiga tag daran. Qolyaha isticmaalaya xogtaan waxaa lagu wargelinaya in waxaani ay tahay saadaal oo mararka qaar waxaa ka jiri kara farqi ka duwanaan oo ka dhex dhaca saadaasha iyo qadarka xaqiiqda roob la helay. Saadaasha, heerarka webiga la arkay iyo qadaka roobka-da’a waxaa loo cusboonaynsiiyaa si maalinle ah waxaana laga helikaraa gudaha xiriirkaan: http://systems.faoso.net/frrims/

+ More details

Publication Type:

Rainfall Forecast

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Saadaasha Roob-daidda Soomaaliya 05-04-2017

Xilligii Guga sanadka 2017 wuxuu ka bilowday qaybo ka mid ah Soomaalilan intii lagu guda jirey toddobaadkii laga soo gudbay ee Maarso iyadoo qaybaha koonfureed ee Gobolka Awdal la diiwaaniyey roobab mahiigaan ah oo ku fidsanaa shan maalmood. Tani waxay keentay in degdeg looga soo kabsado cadaadiskii deegaanka biyaha ka haystay. Qaybaha kale ee dalka waxaa la filayaa in ay bilaabato helitaanka roobabkii Guga marka la gaaro bartamaha Abriil. Saadaasha roob-da’idda maanta (Khariidad 1) waxay muujinaysaa roobab fudud oo gaaraya ilaa 20mm gudaha Gobollada Koonfureed, qaybo ka tirsan Soomaaliland iyo Buuraleyda sare ee Itoobiya. Roobabka waxaa la filayaa inay ku kordhaan isla deegaannadaan ilaa dhammaadka toddobaadka sida lagu arkayo gudaha Khariidadda 2 taas oo sax uun ku ah ilaa 11 Abriil 2017. Xoogaa ama roob la’aan ay la saadaalinayaa gudaha Puntland iyo Gobollada Dhexe inta lagu guda jiro muddada la odorosay.

+ More details

Publication Type:

Rainfall Forecast

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Saadaasha Roobka Somalia 07-11-2016

Qaybaha koonfureed ee dalka iyo biyo-qabadyada sare ee Webiyada Juba iyo Shabeelle ee xagga buuraleyda sare ee Itoobiya waxaa laga filayaa in helo roobab fudud iyo kuwo dhexdhexaad ah saddeda maalmood ee soo socota. Qaybaha waqooyi ee dalka waxay ahaan doonaan qalayl isla muddadaas.

+ More details

Publication Type:

Rainfall Forecast

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Somalia Rainfall Forecast 11-11-2016

Waxaa guud ahaan Soomaalia la filayaa roob yaraan saddexda maalmood ee soo socota, marka laga reebo meelaha xeebaha koonfureed kuwaas oo laga yaabo inay helaan roobab fudud. Qaybta biyo-qabatinka sare ee Webiyada Juba iyo Shabeelle ee xagga buuraleyda saree e Itoobiya waxay iyaduna sidoo kale ahaan doontaa qalayl isla muddada iyada ah.

+ More details

Publication Type:

Rainfall Forecast

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Saadaasha Roob da’a Soomaaliya 1-11-2016

Waxaa saddexda maalmood ee soo socota gudaha qaybaha dalka inta badan ka jiri doona hoos u dhac xoogan oo ah arrimaha roob da’a. Inta badan meelaha gudaha dalka waxay ahaan doonaan qalayl marka laga reebo xeebta koonfureed oo laga yaabo inay hesho roobab fudud.

+ More details

Publication Type:

Rainfall Forecast

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Saadaasha Roobka Somalia 23-11-2016

Saddexda maalmood ee soo socota waxaa ka jiri doona inta badan qaybaha dhulka Soomaaliya roob yaraan marka laga reebo dhanka hoose ee gobollada Juba iyo Shabeelle halkaas oo laga filaayo roobab fudud muddada la saadaaliyey. Roobab dhexdhexaad ilaa kuwo badan ayaa sidoo kale laga saadaaliyey dhulka-sare ee Itoobiya saddexda maalmood ee soo aadan.

+ More details

Publication Type:

Rainfall Forecast

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Saadasha roob da’a Soomaaliya

Qaybo ka mid ah Soomaaliya waxaa la diiwaaniyey roobab dhexdhexaad ah intii lagu jirey halkii toddobaad ee danbe taas oo noqon karta suurogal bilowgii xilliga roobka Deyrta. Saadaasha roob da’a ku saabsan saddexda maalin ee soo xigta waxay tilmaamayaan khafiif ilaa dhexdhexad gudaha Puntland iyo Somaliland sidoo kale gudaha qaybaha kore ee dhulka-sare ee Itoobiya. Inta soo hartay dalka waxaa la filayaa in ay ahaato engegan inta lagu guda jiro muddada la midka ah.

+ More details

Publication Type:

Rainfall Forecast

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Saadaasha Roob da’a Soomaaliya 31-10-2016

Waxaa saddexda maalmood ee soo socota gudaha qaybaha dalka inta badan ka jiri doona hoos u dhac xoogan oo ah arrimaha roob da’a. Roobab fudud ayaa laga rajeynayaa gudaha dhowr goobood oo ka tirsan qaybaha koonfureed ee dalka. Qaybaha bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya waxay ahaan doonaa qalayl isla muddada iyada aha. Xaalado qalalan ayaa waxaa sidoo kale laga saadaalinayaa gudaha buuraleyda sare ee Itoobiya inta lagu guda jiro muddada la saadaaliyey.

+ More details

Publication Type:

Rainfall Forecast

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Saadaasha Roob da’a Soomaaliya 28-10-2016

Roobab fudud ayaa laga rajeynayaa in laga helo gudaha qaybo ka tirsan gobollada Sanaag iyo Togdheer oo ka tirsan qaybaha waqooyi ee Soomaaliland iyo dhawr meelood oo ka tirsan gobollada koonfureed ee xuduudka la leh Itoobiya. Buuraleyda sare ee Itoobiya oo roobabkeedu door xoogan ka qaataan qulqulka Webiyada Juba iyo Shabeelle ee gudaha Soomaaliaya ayaa iyagana la filayaa inay helaan roobab fudud iyo kuwo dhexdhexaad ah inta lagu jiro muddada la sadaaliyey. Dalka inta soo hartay waxay heli doonta roob yar ama roob la’aan bay noqon isla muddada la xusay.

+ More details

Publication Type:

Rainfall Forecast

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Saadaasha Roob da’a Soomaaliya 27-10-2016

Saddexda maalmood ee soo socota waxaa qaybo badan oo ka tirsan Soomaaliya ka jiri doona arrin roob yaraan marka laga reebo gobollada Puntland halkaas oo laga rajeynaayo roobab dhexdhexaad ah maalmaha dambe ee muddada la saadaaliyey. Waxaa kale oo saddexda maalmood ee soo fool leh laga saadaalinayaa xagga buuraleyda sare ee Itoobiya roobab dhexdhexaad ah.

+ More details

Publication Type:

Rainfall Forecast

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Xaaladda Jajabka-Gebiyada Webi Juba iyo Shabeelle – Sabteembar2016

Saadaasha roob-da’a Deryta 2016 (Oktoobar ilaa Nofeembar) waxay tilmaamaysa mid ah xaalad roobab caadi-u dhaw iyo caadi- ka hooseeya gudaha dooxooyinkaWebi Juba iyo Shabeelle. Hase ahaate, waxaa laga yaabaa in weli ay fatahaad ka dhacdo jiidda labada webi, gaar ahaan meelaha leh gebiyo webi oo furan/gebiyo webi oo tag daran, marka ay dhacdo qulqul webi oo kordhay. SWALIM waxay casryeysay xaaladda jajabka-gebiyada webiga iyadoo khariidadeysay oo isticmaashay Masawir dayax-gacmeed aad iyo aad u bayaansan iyo Muuqal joog tirsiyeed (Digital Elevation Model (DEM)); iyo sidoo kale indha-indheyn goobta gegida meeshii ay suurtogal ah. Saddex nooc oo jajab ayaa la aqoonsaday, oo lagu kala magacaabay: furan, suurogal, iyo xiran. Jajabka furan waa kuwa weli furan inta lagu guda jiro bisha Sabteemabar 2016. Jajabka suurogal waxay ka dhigan tahay meelo gebiyada webigu taag daran yihiin ama la kulmeen jajab waqti dhaw oo la soo dhaafay iyo meel wax yar ama hawlqabad aan laga samaynin. Tan waxaa ka mid ah jajab la xirxiray iyadoo la isticmaalayo kiishash camuud ah. Jajabyada la xirxiray waa kuwo markii hore furnaa balse ka dib la xirxiray iyadoo la isticmaalayo qalab makiinado culus ah, taasoo ka hortagtay fatahaad kale oo muddo gaaban iyo mid dheer. Khariidadaha ku lifaaqan waxay muujinayaan jajabyada furan iyo suurogal ee jiidda labada webi. Marka la soo kobo, toddobo (7) meel oo ka furan jiidda Shabeelle iyo 63 jiidda Juba ayaa la aqoonsaday.Waxaa kale oo la aqoonsaday dhawr meelo kale oo in ay jajabaan suurogal tahay oo u baahan in la xoojiyo. Hase ahaatee, waxaa mudan in la eego in habraacu uu si culus ugu tiirsan yahay masawirro dayax-gacmeed oo ay xadadan tahay ka soo xaqiijinta goobta dhulka. Mararka qaar gebi-jajabyada furan meesha waa laga saari karaa haddii masawirrada dayax-gacmeedku aysan bayaansanayn (tusaale, ded daruur culus) amase aan sinaba loo heli karin. Kkariidadaha xaaladda gebi-jajabyada webiga oo macluumaad faahfaahsan leh, ayaa la soosaaray oo heer ballaaaran ah iyo nuqullo waraaqadag oo laga heli karaa xaafiisyada SWALIM. Macluumaadkaan waa sidoo kale laga heli karaa Habka macluumaadka SWALIM ee Halista Fatahaadda iyo Maareynta Jawaabta (http://systems.faoso.net/frrims/rivers/riverbreakages).

+ More details

Publication Type:

Map

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Muuqaalka roobda’a Soomaaliya ee Deyrta 2016

Sida dhawaan lagu sheegay saadaal cimilo xilliyeed ku saabsan Geeska Afrikada Weyn ee soo saartay xarunta IGAD ee Saadaasha Cimilada iyo Xarunta dabaqaadda (ICPAC) ee taal gudaha Kampala, Uganda, roobabka Deyrta sanadka 2016 ee gudaha Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa inay noqdaan kuwa dhexeeya wax ka hooseeya caadi ilaa caadi –iyadoo qiyaasta la filayo ay tahay 40% roobab ka hooseeya caadi iyo qiyaastii 35% roobab ku dhaw caadi gudaha dalka oo idil. Biyo-qabatinka sare ee webiyada Juba iyo Shabeelle gudaha Itoobiya ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in ay ka jirisayso hoos udhac roobab inta lagu guda jiro xilliga Deyrta. Fadlan eeg lifaaqqa si aad u aragto tafaasiil dheeraad ah. Fadlan ogow in arrintani tahay saadaal la isla qaatay oo loogu talagaly goobjoogayaasha gobolka taasoo ka waaramaysa isugenta wadarta roobda’a, sanadka 2016, ee muddada saddexda bilood oo ka soo bilowda Oktoobar ilaa Disheembar. SWALIM iyo la-hawlwadaagta farsameed ee kale waxay joogto u cusuboonaysiin doonaan wararka saadaashan oo waxay kuurgali doonaan muddooyin waqtiga gaaban roobabku sida ay noqdaan xilliga Deyrta oo dhan waxaa ayna indin kula soo socodsiin doonaan wargeysyo caadi ah oo ay idiin soo gudbin doonaan.

+ More details

Publication Type:

Rainfall Outlook

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Belet Weyne District Reported Floods observation and Sentinel-2 image analysis (25 May 2016)

This dataset was digitized directly from Sentinel-2 imagery of 25th May 2016 to show the areal extent of Belet Weyne flooding. Sentinel-2 image resolution of 10m was downloaded free of charge from European Space Agency (ESA)

+ More details

Publication Type:

Map

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Daadadka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo looga warbixiyay jeedaalinta iyo falanqaynta muuqaal sawirka

Xog ururin taan si toos ah ayaa looqoray iyadoo digital ah oo laga soo tafsiiray sawirka Landsat -8 iyo 12-kii May 2016 si loo muujiyo xadka bedka fatahaadda ay ka gaartey Jowhar. Fadlan la soco in laga yaabaa in aagga daadadku uusan sax ahayn sababta oo ah fasiraadda waxaa caqabadeeyey dedka daruurta.

+ More details

Publication Type:

Map

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Sida uu noqday Roobka Gu 2016 gudaha Soomaaliya

Xilligii Gu'ga 2016 wuxuu si fiican uga bilawday goor hore qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan Soomaaliland, intii lagu jirey tobankii maalmood ee saddexaad ee bisha Maarso oo sii socday isagoo bed ahaan faafay intii lagu jirey tobanaadkii koowaad iyo labaad ee bisha Abriil. Qaybaha kale gaar ahaan gudaha Puntland iyo gobollada koonfureed wuxuu xilligu ka bilawday goor danbe kaas oo hadana dhamaaday goor hore.

+ More details

Publication Type:

Rainfall Performance

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Somalia Rainfall Forecast 11-05-2016

Heavy rains reported in parts of Somalia continue to cause flash floods and river flooding in the country. In Puntland Eyl station along the coast of Nugaal region recorded high amount of rainfall (86mm) in the last 24 hours after which was followed by 75mm the yesterday (10 May 2016). The three days rainfall forecast calls for more rains in northern parts of the country while light rains are expected in the central and southern parts. There is a high risk of flash floods in the coastal areas of Bari and Nugaal regions. The river levels remain high in both Juba and Shabelle, with high risk of flooding along the Shabelle; while in Middle and Lower Juba the risk of flooding has changed from moderate to high with river flooding in Lower Juba.

+ More details

Publication Type:

Rainfall Forecast

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Pages

RSS feed [compliant with the Agris AP] | Agris AP XML