Saadaasha Roob di’idda Soomaaliya ee Deyrta 2017

Somali
Rainfall Outlook
Title Language: 
Somali
Language: 
Abstract: 
Roobabka deyrtu inta badan waa ka gaaban yihiin kana tiro yar yihiin kuwa Guga. Hase ahaatee, waxay waxtar u yihiin taageeridda hawlaha waxsoosarka beeraha, daaqa iyo sare kaca biyo u helidda isticmaallada kala duwan. Guud ahaan xilligu wuxuu bilowdaa daba yaaqada Sabteembar wuxuuna dhammaadaa Nofeembar.Si kasta oo ay ahaataba, waa iska bedbedelaa meel ka meel dhammaan dalka iyadoo ay qaybaha Waqooyi roobabka helaan waqti aad uga horreeya qaybaha koofureed. Shirka wacaalka Saadaasha Cimilada Geeska Afrikada Weyn wuxuu xaqiijiyey inuu hoos u dhac ku yimid fursadda lagula kulmayo dacdo El Nino ah inta lagu jiro bilaha Sebteembar ilaa Diseembar. Saadaasha roob di’iddu waxay muujineysa in xilliga Deyrta ee Soomaaliya laga filanayo uu noqonayo mid caadi ah (40% qiyaastii roobabku waa caadi) iyadoo loo badinyo inay suurtogal tahay in 35% ay roobabku caadiga ka hooseyaan badi qaybaha dalka. Tan waxaa sidoo kale ka mid ah qaybo ka tirsan buuraleyda sare ee Itoobiya oo biyo ku biiriya webiyada Juba iyo Shabeelle ee gudaha Soomaaliya. Waxaa intaa dheer, Gobollo xeebeedka Jubada Hoose iyo Shabeellaha Hoose ayaa waxaa la filayaa in ay la kulmaan roobab caadi ah (40% qiyaastii roobab caadi ah) oo laga yaabo in 35% ay noqdaan wax korreeya roobabka caadiga. Saadaashani waa saadal la isku afgartay oo loogu talagalay dhageysteyaasha gobolka oo wax ka qabta roobabka wadar ahaan marka isugeeyo muddada saddexda bilood oo ka bilaabmaya Oktoobar ilaa Diseembar 2017. Hase yeeshee, SWALIM iyo la-hawlgaleyaasha kale ee farsameed waxay sii wadi doonaa waafajinta saadaashaan muddooyinka gaagaaban ee soo socda oo waa ay idin lawadaagi doona iyagoo ku soo gudbin doona jariidadaha joogtada ah inta xilli roobaadku uu socdo. Marka la eego xaaladaha jira iyo saadaasha roob di’idda, waxaa la yaabaa in dhibaatooyin la xiriira biyo yaraan ay ka sii socdaan gaar ahaan qaybaha Waqooyi ee dalka halkaasoo saddexdii xilli roobaad ee hore ay ahaayeen kuwo ka hooseeya heerka caadiga ah. Waxaa sidoo kale jira suurtogal ahaansha qulqulatooyin u dhexeeya bani’aadan-xoolo oo isaga hor imaanaya ilaha biyaha xaddidan oo meelahaas ka jira. Kormeer si dhow loogula socdo xaaladda iyo tallaabooyin wax lagu bedelayo ayaa lagama maarmaan u ah sidii si waxkuool ah wax looga qabto xaaladda. Si kastaba ha ahaatee, meesha lagama saari daadadka butaaca oo ka dhaca iyo sidoo kale khadka webiga fataahaya oo sababtu tahay gebiyada webiga oo daciif iyo daamanka webiga oo loo jebiyo iyadoo looga dan leeyahay in waraab loo adeegsado. Waxaa laga filayaa in biyo ka helitaanku ka kordho meelaha roobabku ay caadi ka yihiin. Xaaladaha noocaas ah, waa in bulshooyinku ay ka faa’ideystaan roobabka oo hoor-qabsadaan marka ay da’ayaan si ay mustaqbalka u isticmaalaan, iyagoo adeegsanaya farsamooyin fudud. Dhanka kale, hadii ay jiraan roobab hoos u dhacsan waxaa laga yaabaa in dib-u-buuxsamidda meelaha ilaha biyaha dhusha sare ah ay yaraato sidaas awgeed bulshooyinku waa inay khayraadyada biyaha la haysto u isticmaalaan si beekhamin/tashiil leh.
Access conditions: 
Date of publication: 
August, 2017
Form: 
Notes: 
Source: