Swalim News and Events

SWALIM Waxay qabataa Aqoon Isweydaarsi Xagga Internet (Webinar) oo ku saabsan Uruurinta Xogta Dhulka iyo Biyaha Soomaaliya oo La- isticmaalayo Telefoonnada Casriga ah (Smartphones) ee Qiimaha Jaban

Mashruuca Maareynta Macluumaadka Biyaha iyo Dhulka Soomaaliya wuxuu ka mid yahay barnaamijyada tirada yare ee horumarinta ee Qarammada Midoobay (UN) si loo helo maareyn macluumaad sida hawgalkeeda aasaasiga ah, iyadoo la isticmaalayo farsamooyin sida Hababka Macluumaadka Joqraafiga (GIS), Khariideyn dareeme fog iyo xog uruurin loo adeegsado aaladaha teleefanka gacanta iyo dabaqaadaha mareeg casri. http://bit.ly/2r9Fyz2

SWALIM waxay Muqdisha ku qabatay Maalin Bandhig ah

Markii labaad oo qura, 4 Oktoobar, 2016, SWALIM waxay munaasabad maalin bandhig ah ku qabatay gudaha caasimadda Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Wargelin SWALIM oo ku saabsan Dayactirka Qarkii Webiga ka Jabnaa Bayaxaaw

SWALIM hadda waxay si kalsooni leh ku warbixin karta in qarkii webiga ka jabnaa Bayaxaaw la xiray, bilowgii hore waxaa loo isticmaalay joonyado bacaad ah, marka mar dambe ayaa lagu xiray makiinado culus.

 Diirad Saar

Isticmaalka khariidadda nool/xayiga ah ee helitaanka macluumaadka ilaha biyaha ee ka jawaabidda abaarta

Soomaaliya waxay la kulmaysay mid ka mid ah xaaladaha abaarta ugu daran muddoyinki dhawaa ee la soo dhaafay, ka dib markii xilliyo isku xigxiga ay roobabku liiteen guud ahaan dalka.

Meelaha Garanwaagu qabsaday ee Soomaaliland

Garanwaaga/Cali-garoob waxaa markii ugu horreysay horraantii 1950-naadkii Soomaaliya soo geliyey aagga tuulada Bullaxaar oo ku taalla xeebta Gacanka Cadmeed ee galbeedka Berbera nin dhir-beere ahaa oo Ingiriis ah oo lagu magacaabi jirey Mr. Dawson oo ka shaqaynayey mashruuc dhirayn ah, si loola dagaallamo nabaad-guurka, dabeylo siigada ah iyo dhaqdhaqaaqa ciid bacaadka ah (Ahmed Ibrahim Awale & Sugulle, A. Jama, Faafidda Prosopis juliflora ee Somaliland, (2006), Candlelight).

Khariidadda Xaaladaha Abaarta Bisha Abriil 2017

Qaybo badan oo ka mid ah dalka waxay guud ahaan ahaayeen qalayl bishii Maaraj 2017 oo idil iyadoo xaalado abaareed oo xad-dhaaf ah ay ku baahsanaayeen dalka qaybaha ugu ballaaran. Caadi ahaan roobabka Gugu waxay qaybaha Waqooyi Galbeed ka bilowdaan dabayaaqada Maaraj iyo bartamaha Abriil gudaha dalka intiisa kale.

<<<<AKHBAAR SIIDEYN – SABTEEMBAR 23, 2016>>>>

SWALIM waxay siideynaysaa warbixinta ugu dambaysa oo ku saabsan Gebiyo-jajabyo Webi : Falanqayn daba socota masawirrada dayax-gacmeedkii ugu dambeeyey, qaar ay dhaw yihiin oo ay yihiin kuwii toddobaadkii la soo dhaafay (17 Sabteembar2016), SWALIM waxay siideysay farriin cusub oo ku saabsan xaaladda Webiyada Juba iyo Shabeelle ka hor roobab xilliyeedka Deyrta, kuwaas oo la filayo inay bilowdaan bartamaha Oktoobar (qiiyaas waqti saddex toddobaad ay naga xigto).

 SWALIM Publications

Saadaasha Roob-di’idda Soomaaliya – 17/4/2020

Toddobaakii la soo dhaafay waxaa la arkayey kororka roob-di’idda guud ahaan Soomaaliya. Meelo badan oo ku yaal dooxooyinka Juba iyo Shabeelle ee Koonfurta, waa la diiwaaniyey 50 mm ilaa 70 mm wadar ahaan.

Publication   Download

Saadaasha Roob-di’idda Soomaaliya - 01 April 2020

Dhowrkii maalin oo dambe roob-di’iddii waa yaraatay guud ahaan Soomaaliya iyadoo xarumaha badankood ay diiwaangeliyeen roobab fudfud ama roob la’aan. Sidoo kaleb Buuraleyda sare ee Itoobiya qudheedu ma aysan diiwaangelin roobab macna leh.

Publication   Download

Saadaasha Roobka Soomaaliya ee Deyrta 2018

Saadaasha dhawaan uu soosaartay Shirweynaha Saadaasha Cimilada ee Weyn Geeska Afrikada (GHACOF50), oo soo baxday 28 Agoost 2018, waxay tilmaameysa inay dhici karto in roobabka Deyta (Oktoobar- Diseembar) ay noqdaan caadi iyo kuwo sarreeya caadiga guud ahaan Soomaaliya.

Publication   Download

Saadaasha Roob-di’idda Soomaaliya 13-11-2017

Tobankii maalmood oo dambe waxaa ka jirey roobab aad iyo aad u culus gudaha qaar ka mid ah gobollada Koonfureed iyo bartamaha Soomaaliya oo sababay fatahaad iyo barkac ka dhacay gudaha dhawr meelood.

Publication   Download

 Donors

SWALIM is a multi-donor project managed by FAO and currently funded by The European Union, USAID, SDC, FCDO and Government of France