Wax nagu saabsan

Hawgal

Si aan xoojino awoodda dadweynaha Soomaaliya inuu daryeelo, maareyo iyo ilaaliyo kheyraadka dabiiciga lama huraanka ee dhulka iyo biyaha dhex geecaaga dhulalkooda si loo hagaajiyo nolosha iyo habnololeedka Soomaalida dhammaan ee jiilalka hadda jooga iyo mustaqbaka.

Asallada iyo Qeexidda

Laba tobnaad sano oo dagaal ahli ka jirey gudaha Soomaaliya waxaa ka dhashay khasaare ama dhaawac gaarey macluumaad la xiriira biyaha iyo dhulka oo la uruuriyey nus qarnigii laga gudbay. Si loo yareeyo gabaabsiyidda culus ee macluumaadka biyaha iyo dhulka, ayaa koox daneeyeyaal ah oo weheliyaan maamullada Somaaliyeed waxay wadajir u go’aansadeen in loo baahan yahay samaynta guudmar cusub ee kheyraadkaan qaabka ah  xog saldhig/ xogkeydiye u saleysan habdhismeed, waqtiga la socoda oo tilmaamaya goobo-gaar ahaaneed iyo cabirro. Natiijadu waxay noqotay SWALIM.

SWALIM, Mashruuca Maareynta Macluumaadka Biyaha iyo Dhulka Soomaaliya, waa barnaamij maareyn macluumaad, oo farsamo ahaan ay agaasinto Hay’adda Cuntada iyo Beeraha (FAO) ee Qaaruumaha Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo uu maalgeliyey Midoowga Yurub (EU), Maalgelinta Carruurta ee Qaruumada Midoobay (UNICEF) iyo  Maagelinta Guud ee Aadmiga (CHF). SWALIM  waxay u adeegtaa hay’adaha  dawladda Soomaliya, hay’adaha aan-Dawliga ahayn (NGOs), hay’adaha horumarinta iyo xubnaha Qarumada Midoobay ee ku hawlan inay caawiyaan bulshooyinka Soomaaliyeed kuwaaas oo noloshooda iyo hab-nololeedkoodu uu toos ugu xiran yahay kheyraadka biyaha iyo dhulka. Barnaamijka ujeedaa in uu bixiyo macluumaad tayo sare ee biyaha iyo dhulka, oo muhiim u ah gargaarka, dayactirka iyo horumarinta laga taabagelinayo gudaha Soomaliaya, si gacan looga geysto horumarin iyo maareyn raandhiis leh/waarikarta ee kheyraadka biyaha iyo dhulka.

Somali