Library Advanced Search

Latest Documents and Publications listed. Use search terms in the box below to find what you need

L-08 Shan Ciid ee Meelaha Gosha Webiyada Juba iyo Shabelle gudaha Koonfur Soomaaliya

Macluumaad ciid waa wax muhiim u ah qorshaynta khayraad dabiiciyeed. Waxsoosaar muhiim ah ee daraasadan waa khariidad ciideed leh baaxad ah 1: 100, 000 ay ku jiraan noocyada ciidda u badan iyo sidoo kale khariidado ciid ee qaar ka mid ah mashaariicda waraabka ee jiidda biyo qabadyada Webiga Juba iyo Shabeelle. Intaas waxaa dheer, warbixinta waxaa ku jira macluumaad ku saabsan sifooyin oogada iyo kiimikada ciidda, kuwaas oo ah waxyaabo muhiim u ah maareynta khayraad dabiica. Kala duwaanshiyo masaaxad ciideed ayaa laga faaleeyey oo ku dhow 88,000 km2 gudaha dhulka gosh Webiyada Jubba iyo Shabeelle ee koonfurta Soomaaliya. Daraasadani waxay muhiim u tahay in la fuliyo qiimeyno ah haboonaanshiyo dhul iyo xaaluf dhul.

+ More details

Publication Type:

Technical report

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

L-20 Hage Waxtar u ah Kormeerid Xaaluf Dhul

Hagahaan waxtar u ah kormeerid xaaluf dhul wuxuu bixin doonaa aalado loo isticmaali karo in la sahlo hannaan fudud oo nidaamsan oo lagula socodo isbedelo waqti-dheer ka dhici kara gudaha ciid iyo xaalado daaqba waxayna noqon doontaa qoraal loo adeegsado barnaamijyo kormeerid mustaqbal. Hababka kormeeridda fudud ee lagu soo bandhigay buugan hagaha ah waxaa loo isticmaali doonaa sidii si xilliile ah loo curiyo macluumaad tirokoobid oo ka soo jeeda goobo kala duwan oo matal ah dhul xaalufay, dhul xaalufiddu ku socoto ama dhul xaalufid u nugul oo dalka gudihiisa ah. Hannaanka la socodku wuxuu suurogelin doonaa in macluumaad ay wadaagaan dhammaan dhinacyada ku hawlan maareynta khayraadka dhulka wuxuuna ku caawini doonaa go'aan-gaareyaal qarameed iyo bulshooyin deeq-bixiye in ay go'aanno caqligal ah ka gaaraan maareynta khayraadka dhuleed.

+ More details

Publication Type:

Technical report

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

L-19 - Tabaha loogu Talagalay Kormeerista Geedaha Shawrada (Qandal, Takhay) Soomaaliya

Daraasadani waxay anfacaysa inay ahaato kob laga jaan qaado oo ku toosan qaanqaaminta la socodka deegaanka geedka shawrada Soomaaliyeedka. Waxay sidoo kale aasaaseysaa qayb ka mid ah waqbashada hawsha kormeeridda xaalufka dhulka ee ay bilawday SWALIM. Macluumadka lagu curiyey daraasadaan waxaa ka mid ah khariidad muujinaysa goobaha geedaha shawrada (qandal, takhay), shaxyo iyo naqshado goobaabo qaybqaybsan si loo muujiyo manaafacaadsiga iyo maaraynta khayraadka geedaha shawrada (mangroves) ee Soomaaliya. Kharriidadaha ku jira daraasadaan waxaa la curiyey iyadoo la isticmaalayo masawirro Google Earth ah iyo sahanno goobaha duurka dabiiciga ah oo ay weheliso wareysiyo laga soo qaaday dadka deegaanka si ay u caawiyaan ka faaleynta kaymaha Shawrada (mangroves) marka la eego maareytooda iyo isticmaalkooda. Macluumaadka ku jira daraasadan wuxuu caawini doonaa in la hagaajiyo maareynta iyo isticmaalka kaymaha shawrada (mangroves) Soomaaliya. Daraasaddu waxay ku fidsan tahay dhammaan shawrada (mangroves) Saylac, Barbera, Caluula xagga woqooyiga iyo Kismaayo xagga koonfurta.

+ More details

Publication Type:

Technical report

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

L-18 Kormeeridda keynta Buuraleyda Golis gudaha Soomaaliya

Daraasadani waxay anfacaysa inay ahaato kob laga jaan qaado oo ku toosan qaanqaaminta la socodka keynta Buuraleyda Golis. Waxay sidoo kale aasaasaysaa qayb ka mid ah waqbashada hawsha la socodka xaalufka dhulka ee ay bilawday SWALIM. Macluumadka lagu curiyey daraasadaan waxaa ka mid ah khariidad muujinaysa dedka dhulka gudaha keynta Golis, shaxyo iyo naqshado goobaabo qaybqaybsan si loo muujiyo manaafacaasiga iyo maaraynta khayraadka keynta. Kharriidadaha ku jira daraasadan waxaa la curiyey iyadoo la isticmaalayo masawirro Landsat TM ah oo loo kaalmeystay masawirro Google Earth ah iyo sahanno goobaha duurka dabiiciga ah oo ay weheliso wareysiyo laga soo qaaday dadka deegaanka si ay u caawiyaan ka faaleynta kaymaha marka la eego walaac laga qabo maarenyta iyo manaafacaadsiga. Macluumaadka ku jira daraasadaan wuxuu caawini doonaa in la hagaajiyo maareynta iyo manaafacaadsiga keynta.

+ More details

Publication Type:

Technical report

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

L-17 Khariidadeynta iyo Qiimaynta Beeraha Waraabka Puntland

Meelaha beeraha waraabka ah ee Puntland ayaa la khariidadeeyey iyadoo la isticmaalayo masawirro Google Earth ah iyo waraysiyo laga soo qaaday beeraley ku sugan goobaha beeraha si looga warbixiyo isticmaalka dhulka. Macluumaadka lagu soo bandhigay gudaha qoraalkan waxaa ka mid ah khariidadaha meelaha beeraha waraabka iyo shaxyo iyo masawirro si loo muujiyo dabeecadaha meelaha beeraha waraabka ah ee Puntland. Daraasaddu waxay qeexaysaa xaaladda meelaha beeraha waraabka ah ee gudaha Puntland sidaas awgeedna waxay tilmaamaysaa meelo u baahan waxqabasho. Si kastaba ha ahaatee, daraasadan waa la sii hagaajiyey oo lagu soo gabagabeeyey dhexdexda SWALIM V.

+ More details

Publication Type:

Technical report

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Integrated draft:The environment conservation act and the agricultural land ownership law

The environment conservation act and the agricultural land ownership law

+ More details

Publication Type:

Other

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

W-15 Maareynta Halis Daad iyo ka Jawaabid

Daadadku joogto ay u sababaan masiibooyin gudaha Soomaaliya, gaar ahaan inta ku teedsan Webiyada Juba iyo Shabelle ee qaybta koonfurta dalka. Qeybaha dhocda-hoose ee webiyadan waxaa lagu tilmaamay in qaab-dhiismeedku rogan yahay, oo biyomareennada meelaha qaarkod uu jooggu ka sareeyo dhulka ku hareera yaal; sababtaas awgeed, meelaha hooseeya ee dhulka dhoobeyda webiyada waxay aad ugu nugul yihiin fatahaad (sifo si ballaaran loogu isticmaalo waraabka biyo soo furid iyo beero dhasheeg). Sidoo kale dhul oomane iyo mid bar-oomane ah oo ka fog marinnada ugu waaweyn webiga ayaa iyaguna la kulma dhacdooyin daad butaaco ah. Maareynta khatarta fatahaadda waxa lagu qeexay “hanaan isdabjoog ah oo dhaliya tallaabooyin isdabayaal oo la xiriira yaraynta halista daadka, u diyaargarow xaalad degdegga ah, wax ka qabasho saamayn iyo ka soo kabasho musiibo, taasi oo gacan ka geysata nabadgelyada bulshada iyo deegaanka; oo isla mar ahaantiina ay barbar socoto maarayn khatar iyo farsamooyin maamul wanaag”.

+ More details

Publication Type:

Technical report

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

W-16 Habka Odorosidda Fatahaadda Soomaaliaya

Fatahaaddu waa arrin caadi ka ah gudaha dhulka ku hareeraysan dooxada Webiyada Juba iyo Shabeelle. Labada webi waxay muujiyaan astaamo xilliile marka la eegayo qululkooda (their hydrological regime) oo si xoog leh u janjeera fatahid gaar ahaan inta lagu jiro xilli roobaadka Deyrta (Oktoobar ilaa Nofeembar). Qaar ka mid ah dhacdooyinka daadadka waaweyn ee labada dooxo waxay dhaceen dhowr tobnaad sano oo la soo dhaafay 1961, 1977, 1981, 1997 iyo 2006. Fatahaadda webiyada waxaa badanaa sababa roobab badan oo ka da’a biyo-qabadyada sare ee labada webi oo ku yaal gudaha dhulka sare ee Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, waxaa sidoo kale xoog leh ka qayb qaadashada hawlo aadamaha ee daadadka, iyadoo beeralayda dagan dacaallada webiga ay gebiyada dhirta ka jaraan si ay ugu sahlanaato in biyahu u qulqulaan xagga gudaha beerahooda marka socodka biyuhu yaraadaan. Hawlahaan sharcidarada ah waxay kordheen ka dib markii ay burburtay dawladdii dhexe sanadkii 1991 waxaana sii xumeeyay roobabka El Nino 1997/98 oo ka qeyb qaatay burbur dheeraad ah oo ku dhacay kaabayaasha waraabka iyo xakamaynta fatahaadda.

+ More details

Publication Type:

Technical report

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

W-17 Sahan Diiwaagelin Ilo Biyood ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya

Khayraadka biyaha dusha Soomaaliya waxay ku uruursan yihiin inta badan jiidda labada webi ee joogtada ah, Juba iyo Shabelle. Socodka labada webi si weyn ayuu u kala duwan yahay xilliyada dhexdooda. Inta lagu guda jiro labada xilli roobaad, Deyr iyo Gu, webiyadu badanaa waa fatahaan marka qulqulku uu aad u sareeyo, halka markii xilligu qalayl yahay, qulqulku waa wax aad u yar oo si dirqi ah ayuu u taageeraa waraabka. Dhulka dacallada webiyada Jubba iyo Shabelle wuxuu ku fadhiyaa tiro yar boqolkiiba marka loo eego dhulka dalka Soomaaliya oo idil. Aqlabiyadda dalku waxay ku sugan tahay xaalado cimilo oomane iyo bar-oomane ah oo khayraadka biyaha dusha ay aad u yar yihiin. Baahiyaha biyaha hooy iyo ganacsiyeedba ee meelahaas oo kale waxaa sida caadiga ah lagu haqabtiraa biyo laga helo ilaha biyaha dhul-hoose.

+ More details

Publication Type:

Technical report

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

W-18 Diiwaangelinta Marin-biyoodka Dooxooyinka ee Waqooyiga Soomaaliya

Wax ka qabashada arrimaha khayraadka dabiiciga waxay u baahan tahay habraac guud oo aqoonsan isku tiirsanaan ka dhexaysa dalabaad tartamaya iyo khayraadka kooban. Waxa la ogaaday in maareyn biyo-rog oo isku dhafan ay tahay aaladda ugu fiican ee lagula tacaalo biyaha iyo khayraadka dabiiciga. Tani waxay sidoo kale gacan ka geysan karilahayd dabargoynta saboolnimada ba'an iyo gaajada (MDG 1) iyada oo loo marayo hagaagin sugnaan cunto (FAO si weyn ayey diirad u saartaa) iyo maareyn deegaameed raandhiis leh (MDG 7). Si ay u suurogasho bilaw geedi-socod maareyn khayraad biyo oo isku dhafan gudaha waqqooyiga Soomaaliya, mashruuca Macluumaadka Maareynta Biyaha iyo Dhulka Soomaaliya (SWALIM) ayaa Midowga Yurub (EU) wuxuu u xilsaaray si ay hirgeliso diiwaangelinta dooxooyinka marin-biyoodka. Tiro-boqolle aad u badan oo dadweynaha Soomaaliya ka mid ah ayaa wuxuu toos ugu tiirsan khayraadka dabiiciga aasaasiga ah oo ay u daboolaan baahiyahooda nolol maalmeed.

+ More details

Publication Type:

Technical report

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

W-19 Warbixinta Waxqabadyada Khariidaynta Biyaha ee UNICEF

Ujeedada ugu weyn ee hawsha khariidadayntu waxay ahayd in la qiimeeyo horumarka laga sameeyey waaxda biyaha marka la eego daboolidda adeegyada biyaha iyo kororka tirada ka-faa'iideystayaasha loogu adeegay barnaamijka UNICEF ee ay EC maalgelisay. Warbixinta ayaa qoraysaa natiijooyinka waxqabadyada waqtigii 2005 ilaa 2009 ee uu jirey barnaamijka “Maareynta Kheyraadka Biyaha Isku dhafan iyo Biyaha Miyiga iyo Barnaamijka Fayadhowrka gudaha Soomaaliya” (Integrated Water Resource Management and Rural Water and Sanitation Programme in Somalia). SWALIM waxay fulisay hawsha khariidadaynta oo ay UNICEF codsatay. Wax soosaarada macluumaad ee hawsha waxaa ka mid ah khariidado muujinaya horumar sanadle ah, khariidado goboleed ee waxqabadyo miyi iyo khariidado hab biyogelin ee magaalooyinka waaweyn.

+ More details

Publication Type:

Technical report

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

W-13 Dabeecadda Socodka Biyaha (Hydraulic Behaviour) ee Webiyada Juba iyo Shabeelle

Banaanada dhoobeyda labada Webi ee joogtada u qulqula Soomaaliya, Webiyada Shabeelle iyo Juba, waxay ahaayeen oo ay noqon karaan dambiisha-kibista Soomaaliya. Waxay leeyihiin fursad horumarin waraab oo waaweyn. Si kastaba ha ahaatee dagaalkii sokeeye ee labaatameeyada sano ee la soo dhaafay wuxuu burbur ba’an u geystay hay'ado iyo kaabayaal lagama maarmaan ah si loo maareeyo khayraadka biyaha labada webi taas oo ah waa tubta nolosha ee Koonfurta Soomaaliya. Hadda fatahaaddu waa dhibaato ku soo noqnoqota gudaha dhulka webiyada oo mararka qaar gaarta xaddi musiibo dabiici ah, sida xilli roobaadkii Deyrta ee 2006. Bannaano dhoobey dabiiciyeed ah ayaa loo soo gudbay oo gabiyada webiga ayaa la gooyay si biyo loogu leexsado iyadoo loola jeedo waraab xilliga engegan. Biyoxireennada iyo kanaalada ayaa loo isticmaalayey in loogu waraabiyo bed dhul ballaaran oo aan hadda lagu shaqeynin. Dadaallo ayaa socda si loo diyaariyo qorshe maareyn fatahaad oo isku dhafan iyo sidoo kale in la dib loo hagaajiyo kaabayaasha waraabka oo in la soo nooleeyo waaxda beeraha. Dadaaladan waxaa hakiyey aqoon la'aan ah xagga dabeecadda dooxada webiga marka la eego xaalka Hydrology, hydraulics, carro-degid, iwm iyo, jiritaan la'aanta hay'ado dawladeed oo ka mas'uul ah hirgelinta tallaabooyin maareyn habboon ee dooxada webiga.

+ More details

Publication Type:

Technical report

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

W-14 Falanqaynta Xaaladaha Cimilada Guud ee gudaha Soomaaliya si Loo Taageero La-socodka Abaarta

Afrika waxa lagu sifeeyey inay ka jiraan xad-dhaafyo cimilo oo baaxad iyo waqti labadaba leh. Si ka duwan gobollada loolka dhexe (temperate zones) halkaas oo xilliyada waxbeerasho ay soo ifbaxaan ugu horayn isbeddello heerkul, hab-dhaca nolosha Afrika waxaa ka muuqanaya in roobku yahay cunsurka nololsha "xakameeya". Guud ahaan, Afrika waxay leedahay kala duwanaansho cimilado oo labo-noocle ku saleysan ku dhawaad xilli xagaa qoyan iyo xilli jiilaal qalalan. Dhab ahaantii, is-rogrogga u dhexeeya xilliyada engegan iyo kuwa qoyaan ee Afrika waa wax aad uga muuqan og ka qaaradaha kale. Sidaas daraaddeed yaab ma lahan, daadad iyo abaaro inay noqdaan muuqaal caadi ka ah dhammaan waddamada qaaradda. Sababta u nuglaan abaarta heerka sare ee dalalka Afrikabadnkood, maaha wax lala yaabo in khataraha abaartu ay si fudud dhaliyaan masiibooyin cawaaqibyo ba’an leh. Xaaladda waxay u egtahay in ay ka sii darayso gudaha Geeska Weyn ee Afrika (the Great Horn of Africa (GHA)).

+ More details

Publication Type:

Technical report

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

L-14 Qiimayn Xaaluf Dhul iyo Qaabhawleed Kormeerid gudaha Soomaaliya

Gudaha daraasadan, ayaa waxaa la sameeyey qiimayn heer-qarameed ee xaaluf dhul iyadoo la isticmaalayo masawirro jeedaalin dareeme fog oo waqti taxane laga soo bilaabay 1982 ilaa 2008 iyo ra'yi khabiiro oo ku saabsan taariikhda nabaadguurka gudaha Soomaaliya marka dib loo raaco tan iyo intii ay khubaradu xusuusan karto. Ujeedada cilmibaaristu waxay ahayd in la ogaado sababo nabaadguur xoogiya, noocyo, iyo saamayno uu ku leeyahay dhulka heer qaran iyo in la cayimo goobo maxalli ah oo lagu sameeyo qiimayn dhamaystiran. Waxsoosaarrada ka soo baxay daraasadan waxaa loo arkay in ay taageeraan go'aamada siyaasadeed ee lagula dagaallamayo xaalufka dhulka heer qaran iyo in tilmaamaha guud la bixiyo qeybaha dalka ee la kulmaya nabaadguur daran si markaas loo oogi karo qorsheyn haboon ee khayraadka qaran. Qiimeynta waxaa loo kala dhigdhigay heerheer si waafaqsan hababka unugyada isticmaalka dhulka ee gudaha dalka. Waxaa weheliya qiimeynta, in daraasaddu ay sidoo kale taabagelisay macluumad saldhig wanaagsan si mustaqbalka loola socodo xaaluka dhulka gudaha Soomaaliya.

+ More details

Publication Type:

Technical report

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

L-12 Qiimaynta khayraadka Dhulka Soomaaliya

Warbixintan waxaa war guudmar ka bixinaysaa khayraadka dhulka ee dalka oo idil. Waxaa si weyn diiradda loo saaray awoodda beereed ee dalka hadana waxaa la xusay iyadoo loo maray calaamadinta iyo sharaxidda goobo beero-deegaan daaq. Waxaa laga helayaa qiimayn oogo ahaaneed ee haboonaanshiyo dhul ee labada goobood ee u muhiimsan oo ay SWALIM daraaseysay oo ku yaal galbeedka Somaliland iyo koonfurta Soomaaliya, siday u kala horreeyaan. Waxaa intaa dheer in la helayo warbixin kooban oo cilmi-baaris oo lagu sameeyey goob la darsay oo gudaha Puntland ku taal, oo ku taxaluqda suurogalnimada isticmaalidda farsamooyin jeedaalin dareeme fog si loogu adeegsado qiimaynta khayraadyo xoolo-dhaaqeen iyadoo laga warramayo qaar ka mid ah natiijooyinka daraasad lagu sameeyey qiimeynta xaalufa dhulka galbeedka deegaanka Somaliland.

+ More details

Publication Type:

Technical report

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

L-16 Qaabayn Ciid halaw iyo Ciid-fadhiisi iyo la socodka Meelaha u dhexeeya Webiyada Juba iyo Shabeelle ee Koonfurta Soomaaliya

Ciidda hallaw waa geedisocod wax isku dhafan oo firfircooni ku socda kaas oo ciidda dusha sare ee waxsoosaarka leh ay ku go'do, oo la xambaray, oo ku ururtay meel fog. Waxay dhalisaa qaawanita dhanka hoose halkaas oo ay ciiddu ka go'day iyo ciidda go'day oo ku shubanta dagtana meelaha hooseeya ee baxaliga dhulka ama gudaha dhan hoosee ee oogada dixda biyomareennada taasoo ku timmada geedisocod loo yaqaanno carrofariisi. Daraasadaan taagan ee FAO-SWALIM waxaa loo curiyey ulajeedo guud oo ah diyaarinta qiimeyn ciid hallaw iyo carro-dagista meelaha gosha u dhexeeya webiyada Juba iyo Shabeelle iyo in la bixiyo taloooyin ku taxaluqa qaab-hawleed kormeer ciid hallaw iyo carro-fariisi kaas oo wax ka tari doona si loo wanaajiyo maareynta hababka waraabka gudaha koonfurta Soomaaliya. Daraasaddu waxay aqoonsatay meelo u nugul xaddiyo sare ee ciid hallaw iyo carro-fariisi ku socda gudaha Webiga Juba iyo Shabeelle gudaha koonfurta Soomaaliya.

+ More details

Publication Type:

Technical report

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

L-15 Baaris Geedo Jarid gudaha Dhulalka Daaqsinta Waqooyi-bari Soomaaliya

Warbixintaan waxay qeexeysaa sida masawirro dayax-gacmeed aad iyo aad u bayaansan loogu isticmaalay in la qiyaaso xaddiga geed-jarista gudaha Puntland. Daraasaddu waxay isticmaashay muuqaal tarjumid lagu sameeyey sawirro ah Ikonos iyo Quickbird oo midba yahay sanadkii 2001 iyo 2006 si loo soosaaro khariidado cumur geed ee labada sano. Wadashaqayn ka dhaxaysa SWALIM iyo Xarunta Cilmibaaris Wadajirka EC oo ku taal Ispra, Talyaaniga (EC Joint Research Centre at Ispra, Italy) ayaa sidoo kale lagu jitaabiyey habraac automaatik ah si loo aqoonsado oo loo abla-ableeyo geedaha. Labada farsamaba waxay soosaareen natiijooyin isu eg, kuwaas oo muujiyey guud ahaan hoosudhac ku yimid cumur geedaha intii u dhexeysay sanadkii 2001 iyo 2006. Natiijoojinku waxay sidoo kale muujiyeen meelo qaarkood oo ay cumurradu kordheen taas oo ay ugu wacan tahay dhawris deegaaneed ku timid hawlgallo bulsho. Xeeladda la isticmaalay waxaa lagu sii baahin karaa qaybaha kale ee Soomaaliya si loo caawiyo ololeyaal dhir beeris iyo dhawris deegaaneed.

+ More details

Publication Type:

Technical report

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

L-13 Tilmaamo Qorshayn Isticmaal Dhul

Inta lagu jirey 120 sano oo dambe, Soomaaliya iyo Somaliland waxaa soo maray isbedello waaweyn oo siyaasadeed iyo kuwo dhaqan-dhaqaale. Isbedelka siyaasadaha isticmaalka dhulka iyo hawlaha qorshaynta isticmaalka dhulka ee muddoyinkaas waa badnaayeen, iyadoo dawladahii cusub ay badanaa baddalayeen tallaabooyinkii ay qaadeen xukuumadhii hore. Ha badnaato ama ha yaraato horumar joogtada ah ee dhamman muddoyinka oo idil waxaa ka mid ah dadweyne kordhaya, waxbeerasho ballaaraneysa (dhul beerid), tirada goobaha biyaha oo kordhey, reer magaaloobid, geedo jaris iyo ballaarasho xirmooyin xoolo-daaqeen. Ulajeedada Tilmaameyaasha Qorshaynta Isticmaalka Dhulka ee Somaliland waa in si guud loo fasiro mabaadii'ida iyo habraacyada qorshaynta isticmaalka dhulka, iyo sida loogu dabaqi karo gudaha gaar ahaan Somaliland si heerar kala duwan ah.

+ More details

Publication Type:

Technical report

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

W-12 Diiwaagelinta Ilaha Biyaha ee Waqooyi Soomaaliya

Tirsiga macluumaad ilo biyo oo lagu ururiyey SWIMS oo ka yimid la-hawlgalayaal ka fulinaya mashaariic biyood gudaha geyiga duurka mar SWALIM II ay koobnayd. Waxaa kaliya oo la helay xogta 750 ilo biyood muddo sannad ka badan, oo marar badan xogtu waxay dabooshay qayb yar oo kaliya ah oo ka tirsan macluumaadka lagama maarmaanka ah. Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan noqoday in SWALIM u dhaqaaqo xagga geyiga duurka, oo ay diiwaangelin ku samayso dhammaan goobaha ilaha biyaha gudaha Soomaaliya. Waxaa sahan lagu bilaabay dalka oo idil, iyadoo lala kaashanayo UNICEF, meelaha biyaha aasaasi ah leh: ceelal-riig, ilo, biyo-xireenno iyo ceelal-gacmeedyo kuwaas oo biyo la cabo leh muddo dheer oo xilli qalalan ah. Waxaa gudaha Soomaaliya ka jira goobo badan oo ilo khayraad biyood ah, kuwaas oo si loo sahmiyo ay qaadan karto bilo badan. Ha ahaatee, ilahaan badankood waa kuwo xilliile ah, oo roobabka ka dib waara dhowr toddobaad oo keliya. Waxaa ka mid ah berkado iyo qaar ceelal-gacmeed ah, oo waxaa la isticmaalaa inta xilli-roobaadka ah oo kaliya. Marka ay martaan bulshooyinka degaanku waxay raadiyaan ilo biyood kale oo u badala. Dhaqaalaha kooban ee loo heli karo sahanka awgeed lama dabooli karo dhammaan ilaha biyaha gudaha dalka ka jira. Waxaa la sahmiyey oo keliya ilaha biyaha istaraatiijiga ah, maadaama ay yihiin isha biyood ee bulshooyinka maxalliga ah marka ilaha xilliile ay martaan (qalalaan). Sahanku wuxuu ka bilawday gudaha qaybta waqooyi ee dalka: Somaliland iyo Puntland, iyadoo qorsheyal la gaarsiinayo Koonfurta/Bartamaha Soomaaliya marka xaalad ammaan ay saamaxdo.

+ More details

Publication Type:

Technical report

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Publication Type:

Other

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

United Nations Human Settlements Programme

First towards strategic urban planning

first steps towards strategic urban planning

+ More details

Publication Type:

Other

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

United Nations Human Settlements Programme

Publication Type:

Other

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

GAROWE-first steps towards strategic urban planning

First steps towards strategic urban planning

+ More details

Publication Type:

Other

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

United Nations Human Settlements Programme

Publication Type:

Other

Publication Date:

Author:

Corporate Author:

Pages

RSS feed [compliant with the Agris AP] | Agris AP XML