Xaalufka Dhulka gudaha Soomaaliya

Xaaluf dhul waa tartiib tartiib, dhacdo deegaameed xun oo uu xawligeliyo waxqabad aadame, kaasoo hoos u dhiga awoodda waxsoosaarka dhul. Iyadoo ay ugu wacantahay dabiicad tartiib tartiib ah oo aan dareemin inta lagu jiro marxaldaha hore muddo waqti dheer. Marka uu gaaro marxaladihiisa dambe,waxaa la soo baxa muuqaalo la arkikaro, sida ciidhalow boholo ah, faafid noocyo dhir qalaad oo weerar ah, iyo ciid beerasho ku daashey. Dhaqan ahaan, muuqaalladaan la arkikaro oo keliya ayaa loo isticmaaley wax looga tilmaan qaato si degdeg loogu xakameyo. Nasiibdarro, badanaa falalka xakameynaha marxaladahaan horumaray waa ay guuldarraystaan, sababtu qeyb ahaan waa iyagoo noqda qaali aan loo babacdhigi karin. Marka si ka fiican oo waqti habbon loo helo macluumaad ku saabsan sida xaaladdu u horumareyso waa furaha xakameenta xaaluf dhul. FAO-SWALIM waxay gudaha Soomaaliya ka sameysay qiimeyn heer qaran si loo xaqiijiyo noocyada, baaxadda, iyo sababaha xaaluf dhul gudaha dalka (eeg SWALIM Warbinnadeeda Farsameed No L-10 and No L-14). SWALIM waxay sidoo kale darastay dhawr dadaalo xakamayn ay fuliyeen Soomaali iyo lahawgaleyaalkood horumarin, fursado la diiwaaniyey oo ah sida kor loogu qaadi karo hawlo xakameyn guul leh, iyo talooyin laga bixiyey hirgelin lasocod xaaluf dhul gudaha dalka.

Qiimeyno SWALIM sameysay waxay muujiyeen muddadii u dhexesay 1980 ilaa 2009, in noocyada xaalufka dhulka ugu badnaa gudaha Soomaaliya ay ahaayeen dhir lumaysa, ciid-kore oo lumeysa, iyo qoyaanka dhulka oo hoos u dhaca. Lumid dhir waxay isugu jirtey lumis ah waxyaabaha ay ka kooban tahay (noocyada), sidoo kale dedka. Qiimeynaha laga helay deegaannada bartamaha iyo waqooyi-bari Soomaaliya ayaa ugu badan lumid ded dhir. Deegaannadaan waxay lahaayeen ded lumid dhan 37%  intii u dhexeysay 1982 iyo 2008 – taasoo u tarjumeysa ku dhawaad 1.4% sanadkii. Deegaannada kale waxay luminayeen ded dhirta oo celcelis ahaan gaarey heer ah 0.6% sanadkii. Marka eego noocyo lumay, waqooyi-galbeed iyo koonfurta Soomaaliya iyo deegaanFigure: Bad lands (severe soil erosion) due to land degradation in Northern Somaliaka ku dherersan xeebta Badweynta Hindiya ayaa ah kuwa ugu waxyeelo badan. Deegaannadaan waxa waxyeelay noocyo dhir qalaad oo horror ah, kuwaasoo bedelay dhirtii asliga ahayd. Qaarka ugu badan noocyo horror ah waxaa ka mid ah Keligii noole (Parthenium weeds), Garanwaa/Cali-garoob (Prosopis) iyo Tiintiin (Cactus).

Dhirtaan hororka ah waxay bedelaysay geedo badan oo tayo sare oo daaqku fiican, waxay leedahy awood miro soosaar sare oo si sahlan ayey u qabatimeysaa xaalado cimilado iyo ciid kala duwan. Inkasta oo Garanwaaga loo isticmaalikaro in lagu xasiliyo bacaad guurguura iyo dhulal qaawan/banana, tusaale, dhirta hororka ah waxay baabi’isaa carshinta/daaqa dabiiciga, barakicisaa dhir reerguri ah, oo waxay yareysaa waxtarka daaqa dhul-daaqsinka.

Lumidda ciidda sare waxaa sababay biyo iyo dabay qaada. Ciid lumid ah mid biyo  qaadaan waxay badanaa ka jirta gudaha dhulka waqooyi halka ciid lumid ku timaadda dabayl qaada ay u badan tahay xeebaha waqooyi-galbeed ee Gacanka Cadmeed iyo gudaha xeebaha waqooyi-bari ee Badweynta Hindiya. Lumid qoyaan ciid wuxuu badanaa ka dhacaa koonfurta iyo waqooyi-galbeed Soomaaliya. Noocyada kale ee xaaluf dhul waxa ahaayeen hoos-u-dhaca nafaqada ciidda gudaha dhul beereedyo sida dhulka oogada waqooyi-galbeed iyo cusboobid gudha dhulka waraabka ee dooxooyinka webiyada Juba iyo Shabeelle.               Bad lands in North-western Somalia                 

 

Sababaha xaalufka dhulka waxaa loo qeybin karaa laba koox: toos iyo dadab. Sababaha tooska waxay isugu jirtaan wax toos uga dhashay cadaadis uu dad ugu geysto kheyraadka dhulka. Gudaha Soomaaliya, sida ay cadeysay daraasad ay SWALIM fulisay, waxqabadyadaan waxaa ka mid ah daaqid xad dhaaf ah, geedo gummaadid (xaabo la shito iyo dhuxul la soosaaro), iyo si xun oo waxbeerasho loo sameeyo. Qaar ka mid ah sida xun waxbeerashada loo sameeyo ee la arkay waxaa ka mid ah beeraha loo falayo hab raacsan janjeerka dhulka iyo gubista digada xoolaha (halkii lagu qasi lahaa ciidda). Sababo kale waxay ahaayeen isticmaalka kooban ee dhowrista ciidda iyo biyaha gudaha deegaannada dalagyada laga soosaaro iyo guuldarrada in la dhayactiro kaabayaasha xakameynta xaalufka dhulka. Waxyaabo ka dambeeya sababaha tooska ah – sida dhul lahaanshiyo, waxqoris la’aan, fakhri, dagaal iyo colaad, xukun daciif ah, iyo cuf sare ee shacbi, waa sababo aan toos ahayn loo arko.

Xaaluf dhul gudaha Soomaaliya wuxuu si ba’an u saameynayaa waxsoosaarka. Nafaqooyin ciid oo yaraaday waxay yareeyaan waxsoosar dalag iyo calaf halka fidista meelaha ay saameeyeen noocyo dhir hororah ay yareeyaan dhulka loo helikaro daaqsin xoolaad. Ciid halowga iyo ciid-fariisi gudaha ilaha biyaha dusha sare waxay saameeyaan waraabinta iyo tayada biyaha. Lumid ded dhir waxay horseedaa habaas kaca oo qasa hawada oo saamayna ku yeesha caafimaadka dadka. Ciidhalow boholo iyo jeexjeex faraqyo waxay horseedaan lumid dhul waxsoosaar siyaado ah. Xaaluf dhul waxaa kale oo la sheegay inuu saameeyo isgaarsiinta dhulka isagoo burburiya wadooyin iyo kaabado. Ciidhalow biyo iyo dabeyl wxay yareeyaan awoodda ciidda qoyaan-qabsigeeda, taasoo yareysa waxsoosaarrada dalag iyo calaf.                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                    Land degradation classification map

Warbixin sheegeysa macluumaad xog-aasaasi oo ku saabsan xaaluf dhul oo lasoconaysa mustqbalka, taasoo sidoo kale tilmaantey baro deegaan oo leh habsocod kordhaya ah xaaluf dhul ah, waxaa laga helikaraa gudaha daabacaadaha maktabadda (publications)   Land Degradation and Monitoring Framework in Somalia - Report No. L-14). Warbixintu waxay sidoo kale sharaxaysaa noocyada qaalibka xaalufka dhulka, sababaha dhaliyey iyo saameynaha, iyo isticmaal maareyn dhul oo raandhiis leh si loogala dagaallamo xaaluf dhul gudaha Soomaaliya. Waxaa raaca, SWALIM waxay soosaartay warbixin ah baaris iyo lasocodka ganacsiga duxusha sharci-darrada ah, report on detecting and monitoring the illegal charcoal trade, taasoo ah il weyn oo dakhli ka soo galo Al Shabaab iyo kooxo kale oo hubaysan.

air jordan 11 galaxy ebay CU3012-164 – Buy Best Price Adidas&Nike Sport Sneakers

Somali