W-08 Qiimaynta biyaha Miyiga

Somali
Technical report
Title Language: 
Somali
Language: 
Somali
Abstract: 
Khayraadka biyaha gudaha Soomaaliya waa ay kooban yihiin tiro iyo tayo labadaba, taas oo ay weheliso abaar soo noqnoqda iyo daadad sii xumeeya xaaladda ammaanka biyaha ee gudaha dalka. Ka hor bilowgii dagaalka sokeeye ee horraantii1991, hay'adda ugu muhiimsan ee mas'uul ka ah maaraynta khayraadka biyaha gudaha Soomaaliya waxay ahayd Wasaaradda Khayraadka Biyaha iyo Macdanta iyada oo loo marayo Xarunta Biyaha Qaran. Manaafacaadsiga biyo siinta maxalliga waxaa mas'uuliyad ka saarnayd Hay'adda Horumarinta Biyaha (WDA), halka Wasaaradda Beeraha ay qorshayn jirtey oo ka shaqayn jirtey hawlaha biyaha waraabka beeraha ee wabiga Shabeelle. Marka ay noqoto Webiga Jubba, horumarinta waxaa ka mas'uul ahaa Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dooxada Juba. Qabanqaabooyinka hay'adeed ee maareynta khayraadka biyaha waxay muujiyeen kala qoqobnaan, oo aan lahay xad cad oo u dhexeeya hawlaha hay'adaha qaraniyo kuwa maxalliga ah. Markii uu qarxay dagaalkii sokeeye ee 1991-kii, wax badan oo ka mid ah kaabayaasha biyaha waa la burburiyay oo waxaa si xun loo waxyeeleeyey adeegyo bulshadeed oo ka jirey gudaha Soomaaliya sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo fayadhowrka. Maadaama Soomaaliya ay ku taal geyi aad u biyo-yar, horumarinta deegaameed, midda bulshadeed iyo dhaqaalaba waxay si baaxad weyn ugu tiirsan tahay ammaan biyo la hagaajiyey oo maareyn khayraad biyood oo wax-ku-ool ah leh.
Access conditions: 
Date of publication: 
October, 2007
Agris Subject Categories: 
Extent: 
85p.
Form: 
Notes: 
11 fig.,11 tables
Source: