Waxqabadyo Tababar

Liis Ku-meelgaar Tababar La

SWALIM waxay bixisaa koorsooyin/casharro tababar sida soo socda: 

  1. Hardware Computer iyo Software - IM101 : Casharkan wuxuu barayaa ardayda hardware computer iyo software si uu u dhismo faham bilow ah ee labadaan dhinac oo muhiim u ah kombuyuutar adeegsiga. Hardware-rada kombiyuutarrda kala duwan waa la soo bandhigay, laga hadlay oo isticmaalkooda ayaa laga shaqeeyey. Sidoo kale Korosku/Casharku wuxuu faahfaahiyey arrimaha si loo tixgeliyo marka la dhaqangelinayo qalab kombuyuutar shaqeyn. Dhinaca software –ka, koroska/casharka wuxuu ka hadlayaa faraqiyada u dhexeeya hawlgelinta iyo taabagelinta  software-ka, oo wuxuu  ka shaqeysiiyaa doorarkooda iyo qeybo lagu dabaqo. Hawlgelin iyo isticmaal Software kala duwan ayaa la tibaaxay oo tusaalooyin ah taabagelintooda ayaa la bixiyey.
  2. Maareyn Macluumaad Asaasi ah (Basic Information Management - IM102): Wuxuu kaqaybgalaha u suurogelinayaa inuu fahmo waxa maareyn macluumaad ay tahay, wuxuu u fasirayaa habsocodka maareynta macluumaadka, wuxuu qiimeynayaa arrimo iyo carqabado la xiriiraya maareyn macluumaad iyo taabagelinta nuxurro fikrado  Maareyn macluumaad ka mid ah hawshooda.
  3. Data Analysis - IM103: - Koorsadan gaaban waxay bixinaysaa hordhac falanqayn cimilo iyo xog hawo. Waxa kale oo lagu barayaa aragti-guud ee isbedel cimilo iyo arrimo kala duwan oo la xiriira isbedel cimilo. Koorsadu waxay leedahay ujeedooyinka soo socda:
    1. Soo bandhig farsamooyin tirakoobeed oo loo adeegsado falanqaynta xogta cimilada iyo hawada, oo ku saleysan tusaalooyin ku dhisa xog goobta oo la cabirey.
    2. Soo hordhigid dabaqaadda xogta cimilada iyo hawada oo ah qaybo kala duwan oo loo adeegsado ujeedooyin kala duwan.
    3. Soo bandhig gundhigyada isbedel cimilo misna waxaa la hadlaya arrimo la xiriirinayo isbeddel cimilo. Koorsadaan waxa loogu tala galay qof kasta oo raba inuu barto wax ku saabsan waxyaabaha aasaasiga ah ee xogta hawada iyo cimilada iyo sida xogtaan loo tarjumayo. Waxaa laga yaabaa si inay gaar ah ugu habboon tahay kuwa ku lugta leh inay ururiyaan xogta deegaanka ama kuwa ku lugta leh cilmibaaris deegaan.
  4. Qoris Warbin (Report Writing - IM104): - Koroskaan/Casharkaan wuxuu ujeedaa in la horumariyo awooda ardayda si ay qoraan wabixinno kookooban oo buuxinaya baahiyaha dartood loo qoray. Noocyada kala duwan ee warbixinnaha waa la sharaxay oo waxaa la sharxay farqiyadadooda, sidoo kale xaaladaha meelaha ay ku habboon yihiin. Nooc kasta oo warbixino ah, ardayda waxaa la siiyaa fursad ay carbis ku qaataan xirfadaha ay faa’ideen. Tiro ka mid ah qoraallo kheyraad iyo aalado taageero ayaa sidoo kale laga hadley oo tixraacyo khayraadkan ayaa la siiyey.
  5. Khariid Aqrin iyo GPS (Hab Goob-dhigis Caalamiyeed) (Map Reading and Global Positioning System (GPS) - GS201): Wuxuu bandhigayaa  khariidado iyo qalabyo GPS oo goobo deegaan xog looga soo uruuriyo. Gudaha qeybta koroska khariidad, kaqebgalayaasha/ardayda waxaa lagu tababarayaa isticmaalka iyo tarjumaadda khariidado noocyo kala duwan  iyo dabaqid xog ka soo uruurin deegaan. Xoog waxaa la saaray maareyn  kheyraad biyo iyo dhul.Qaybta  tababarka GPS ka, kaqaybgalayaasha waxaa lagu barayaa GPS oo waxaa la tusayaa sida GPS loogu isticmaalikaro xog ka uruurin deegaan. Kaqaybgalayaasha waxaa siiyey qeybo tababar gacan ku qabasho xog uruurin ah ayadoo xog uruurin loo isticmaalayo GPS, oo xogtaan la uruurshay lagu dhafayo khariidado gudahood.
  6. Habab Macluumaad Joqoraafiyeed Aasaasi ah (Basic Geographic Information Systems (GIS) - GS202: Ulajeedada koroskaan/casharkaan waa in lagu dhiso awoodda maamullada Soomaaliyeed, NGO-yo maxalli ah iyo kuwo Caalami iyo Hay'ado Qaramada Midoobay oo ka shaqeynaya gudaha Soomaaliya sida loogu isticmaalo farsamooyin GIS ah (Habab Macluumaad Joqoraafiyeed Aasaasi ah) marka la wado hawlo horumarin ah. Marka uu dhamaado kooraskaan, kaqaybgalayaasha waxay faa’idi doonaan xirfado loogu baahan yahay si ay GIS ugu isticmaalaan shaqadooda.
  7. Google Earth - GS203: Koroskaan/Casharkan wuxuu barayaa Google Earth (goobid geyi) oo wuxuu u muujinayaa sida xogta GPS-ka goob loogu dhafikaro Google Earth. Baridda kaqaybgalayaasha Google Earth, waxaa weheliya, koroska wuxuu tusi doonaa sida Google Earth loogu isticmaali karo maareyn khayraad oo ay ka mid yihiin maareyn kheyraad biyo iyo dhul iyo kuwa kale. Ka qaybgalayaashu waxaa sidoo kale lagu tababari doonaa  sidii ay xog u soo dejisan (bixi) lahaayeen gudaha Google Earth iyo sidii ay ugu dhafi lahaayeen xog laguu soo uruuriyay qalabyo GPS gudaha Google Earth sida hannaan GIS.
  8. Google Earth - GS203: Koroskaan/Casharkan wuxuu barayaa Google Earth (goobid geyi) oo wuxuu u muujinayaa sida xogta GPS-ka goob loogu dhafikaro Google Earth. Baridda kaqaybgalayaasha Google Earth, waxaa weheliya, koroska wuxuu tusi doonaa sida Google Earth loogu isticmaali karo maareyn khayraad oo ay ka mid yihiin maareyn kheyraad biyo iyo dhul iyo kuwa kale. Ka qaybgalayaashu waxaa sidoo kale lagu tababari doonaa  sidii ay xog u soo dejisan (bixi) lahaayeen gudaha Google Earth iyo sidii ay ugu dhafi lahaayeen xog laguu soo uruuriyay qalabyo GPS gudaha Google Earth sida hannaan GIS.

  9. Indha-indheyno Cimilo (Weather Observations - WR302): Koroskaan/Casharkaan wuxuu caawinayaa qolyo Indha-indheeyeyaal cimilo ah si ay fahmaan muhiimadda indha-indheyno cimilo leeyihiin iyo baahida loo qabo in la raaco nidaam heerar caalameed ah oo u dagsan xog uruurin. Xog ururin roob di’id ayaa la xoojiyey si loo xaqiijiyo  in xogtu noqoto mid isticmaali karo .

  10. Maareyn Kheyraad Goob Biyo (Point Water Sources Management - WR303): Koroskaan/Casharkan wuxuu barayaa isticmaaleyaal cusub software-ka Maareynta Macluumaadka Ilaha Biyaha Soomaaliya (Somalia Water Sources Information Management (SWIMS)) iyo sida uu shaqeeyo. SWIMS waa aalad loo sameeyey si loo uruuriyo oo loo maareeyo xog goob ilo biyo u ah Soomaaliya. Korsku wuxuu sharaxayaa qaababka kala duwan ee SWIMS-ka, oo wuxuu si talaabo talaabo ah u hagayaa isticmaaleyaasha iyadoo loo marayo software-ka. Marka uu dhammado Korosku, kaqeygaleyaashu waxay faa’idi doonaan xirfado awood u siinaya inay isticmaalaan SWIMS si ay u maareeyaan xog biyo.
  11. Xaaluf Dhul (Land Degradation - LR403): Koroskaan ujeedadu waxay tahay in la abuuro fahamka ifafaalaha xaaluf dhul ee gudaha deegaan oomane ah ee shaqsiyo iyo ururo ku lug leh maareyn deegaan gudaha Soomaaliya. Xaaluf dhul waa hoos-u-dhac khayraad dhul lahaan karayo oo ay sababtay mid ama wax ka badan habsocod xaaluf sida ciidhalow biyo ama dabayl ka dhasha ama hoosudhac dhir dabiiciyeed. Kaqeybgalayaashu waxay sidoo kale ogaan doonaan qaabab kala duwan oo Maareyn Dhul Raandhiis leh (SLM)  kuwaas oo haddaba laga isticmaalo gudaha Soomaaliya iyo qeybo adduunyada kale ah. Dhammaadka koroskaan kageybgaleyaashu waxay fahmi doonaan siyaalaha xaalufka dhulku u dhaco iyo Qaab Qiimeyn Xaaluf Dhul Oomane ah ee FAO (FAO Land Degradation Assessment in Dry lands (LADA) framework. Kageybgaleyaashu waxay sidoo kale awoodi doonaan inay la socdaan xaalufka dhulka.
  12. Lasocod Tayo Biyo (Water Quality Monitoring - WR304): Koroska baarista iyo lasocdka tayada biyaha wuxuu bixiyaa hogaamin degdeg ah oo ah lagu qiimeynayo tayada biyaha  loo isticmaalo ujeedooyin nolol qoys gudaha Soomaaliya. Korosku wuxuu ku wajahan yahay baaritaano bakteeriyadeed iyo physico – kiimikaal biyaha la cabayo gaar ahaan ayadoo la isticmaalayo aalado la qaadan karo goobta dbedda. Tababarku wuxuu u jahaysan yahay gacan-kaqabasho, oo wuxuu bixinayaa hogaamino tillaabo tillabo ah a laga bilaabo soo uruurin namuunado biyo, baaris namuunado iyo tarjumaad natiijooyin baaris. Farsamoyaqaanno ka shaqeeya gudaha shaybaarrada tayada biyaha, farsamoyaqaanno shaqaale goboleed iyo mid degmeed ee maamullada biyaha Soomaalida waxay ka faa’idi doonaan tababarkaan sidii aalado tayo biyo baaris la qaadi karo loogu isticmaali lahaa qiimeyn tayo biyo degdeg ah guud ahaan dalka.
  13. Baaris Bacrin Ciid (Soil Fertility Testing): Ujeedada koroskaan waa in kaqeygalayaasha awood loo siiyo in fuliyaan baaris ciid iyo cilmibaaris ciid. Si loo caawiyo fahmidda xaaladda soojireenka bacrinta ciidda, tababarku wuxuu ka kooban yahay  guudmarid guud ee aragtida asaasiga ah ee bacrinta ciidda iyo sida nafaqo helitaanku  u saameeyo waxsoosaar dalag iyo maareynta. Muhimadda iyo baahiyo loo qabo darriiqado qiimeyn dedeg ah ee heerar nafaqo ciideed ee geyiga beeraha si loogu isticmaalo xog baarid ciid lagu qiimeeyo xaaladda bacrinta ciidda iyo in la baaro heerar nafaqo gabaabsid ciideed si ay u suurogasho in la sameeyo talooyin ah isticmaal bacrimin iyo hagaajin ciid haddii ay lama huraan tahay, ayaa sidoo kale la barayaa. Kaqeybgalayaasha waxaa lagu tababaray afar tillaabo oo baaris bacrimin ciid ah; (1) Xirfado loogu baahan yahay si loo soo uruuriyo namuunado ciid tusaale u ah deegan ciid laga soo qaadayo namuunad iyadoo la isticmaalayo bir soo cantoobisa ciida, badeel  ama majarafad, (2) shaybaarista namuunadaha ciidda aydoo la adeegsanayo aalad loo qaadan karo goobta si ciidda degdeg loogu baaro, (3) Tarjumaadda natiijooyinka sheybaariseed oo ku saleysan qiimaha warbixinta gudaha ciidda la baaro, iyo (4) Maaereyn talooyin ku saleysan natiijoonka la tarjumay ee shaybariseed.
  14. Habab Macluumaad Joqraafiyeed horumarsan (Advanced Geographic Information Systems - GS203):

Tababarka waxaa lagu qabtaa jawi fasal gudihiis ah iyo leyli gacan-kaqabasho oo goob dibad ah halkaas oo  ay suurogal tahay in lagu siiyey kaqaybgalayaal fursad ay layli ku dhaqangeliyaan wixii ay soo barteen .
SWALIM waxaa ay sidoo kale ka shaqeynaysaa sidii ay u hirgelin lahayd madal waxbarasho khad-shidan (on-line)  taasoo kaabi doonta tababarka fasal ee fool-ka -fool ah.

Somali