Qaylodhaamo iyo Wargeysyo

Si u adeegid isticmaaleyaasheeda iyo daneeyeyaasheeda ah, SWALIM waxay soosaartaa oo qeybisaa tiro wargeysyo macluumaadeed iyo qaylodhaamo bixinaya macluumaadka ugu dambeeya iyo xog dhinacyo dala duwan oo ku saabsan cimilada iyo xaaladda hawada gudaha Soomaaliya. Wargeysyadaan iyo qaylodhaamaha waxaa lagu faafiyaa fartiin isgaarsiin  elektronik ah (electronic mail) oo ah mid la carbuunto subscription. Sidoo kale isla macluumaadka waxaa laga helikaraa bogga internet-ka (SWALIM web site).

Qaar ka mid ah adeegyada qaylodhaanta, sida dirista qaylodhaanta fatahaadda, waxaa la falgeliyaa oo keliya marka ay jirto xaalad halis degdeg ah. SWALIM waxay bixisaa digniin waqti hore ee dhibaatooyin taagan iyo ka dib wargelin waxay joogto ah ilaa dhibaatadu ay soo af-jarmayso. 

Sida Oktoobar, 20014, SWALIM waxay qeybineysaa qaylodhaamada iyo wargeysyada soo socda:

Saadaal Saddex Maalinle Roob

Tani waa wargelin maalinle oo bixisa saadaal roobab wadareed la filayo 27-ka saac ee soo aadan. Wargeysku wuxuu gudbiyaa guudmar degdeg ah ee xaaladda hawada dhammaan Soomaaliya ah oo af Ingiriis iyo Soomaali ah. Khariidad fudud ayaa la socota wargeyska oo leh tilmaamo muujinaya heerarka roobka.

Subscribe/ Carbuuno

Ilaaleyn Fatahaad

Tani waa wargelin toddobaale ah oo bixineysa saadaal isugeyn roob di’id iyo heerar webi gudaha dooxooyinka Juba iyo Shabeelle ee Soomaaliya. Wargeysku wuxuu bixiyaa habdhac roob ee mudadii toddobaadkii hore iyo saadaasha toddobaadka soo socda. Midaan waxaa loo isticmaalaa si loo oroso heerarka laga yaabo in webigu isu rogrogayo toddobo maalmood oo soo socota. Macluumaadku wuxuu waxtar u yahay beeraley, sharikado gaadiidley iyo kooxo kale, sidoo kale waxaa weeye xubin ka mid habka digniinta hore ee fatahaadda. Waregykaan waxaa la soosaraa inta ay socdaan xilliyada roobabka, laga soo bilaabo Maarso ilaa Juunyo iyo Oktoobar ilaa Nofeembar. Waxaa lagu helikaraa oo keliya af Ingiriis oo waxaa ku jira shaxyo iyo garaafyo.

Subscribe /Carbuuno

Wargelin-cusub ee Roob-di’id tobonaadle

Wargeyskaan wuxuu bixiyaa wargelin-cusub oo ah roob-di’id ka qabsoontay gudaha Soomaaliya tobankii maalmood (tobonaad) ee dambe.Wargeysku wuxuu isbarbardhigaa tobonnadka socda iyo celceliska muddada-dheer si loo hubsado in xaaladda roob-di’iddu ay ka korreyso ama ka hooseyso sida caadiga.

Subscribe/ Carbuuno

Wargelin-cusub oo Hawo Goboleed Bille ah

SWALIM ayaa soosaarta bil walba inta lagu jiro xilliyada roobka, ayadoo kaashaneysa Wasaaradaha Beeraha Puntland iyo Soomaaliland, warbixintaan waxay bixisaa xogwarran bille ah ah ee xaaladda hawada gudaha gobol kasta. Warbixinta waxaa la helikaraa oo keliya iyadoo af Ingiriis ah laga soo bilaabo Maarso ilaa Juunyo iyo Oktoobar ilaa Nofeembar. 

Subscribe/ Carbuuno

Ilaaleyn Abaar

 Waxaa la soo soosaara oo keliya muddooyin ay abaar ka jirto gudaha dalka, wargeysku wuxuu ka hadlaa xaaladda jirta haddii ay tahay roob-di’id, dhir, iyo heerar webi. Tafaasiishaan waxaa lala falanqeeyaa xog kale si tafaasiil looga bixiyo saameynta jirta iyo mid dhicikarta ee dhaqan-dhaqaale ee ayabaartu ku leedahay geyga oo muuhiim u ah aqrisashada hay’ado ka shaqaynaya horumarin iyo samofal gudaha Soomaaliya.

Subscribe/ Carbuuno

 Qaylodhaamo

Waxaa jira noocyo qaylodhaamo kala duwan kuwasoo la soosaaro hadba sida loo baahdo ayadoo laga jawaabayo xaalado dhibaato leh ama degdeg ah. Qaylodhaamahaan waxay bixiyaan digniin hordhac haddii la saadaalinayo mustaqbalka dhaw in meelo ka dhacaan fatahaad, abaar, ama halis kale oo lala xiriirinayo hawada.

Subscribe/ Carbuuno

Muuqaal roob-di’id Gu’/Deyr 

Tani waa wagelin-cusub oo xilliile ah taasoo la soosaaro bilowga xilliyada roobka Gu’ga iyo Deyrta (Maarso iyo Sebteembar). Waxay muujisaa saadaasha roobka ee xilliga soo scocda iyo inuu waxtar u yahay dhammaan qeybaha ku xiran roobka. Marka la bixinayo saadaasha roobka, waxaa looga hadlaa saameyno u ku yeelan karto qeybo kala duwan  sida beeraha iyo xoolaha.

Subscribe/ Carbuuno

Qabsoomid roob Gu/Deyr

Wargelinta-cusub waxaa la soosaara dhammaadka xilliyada roobka Gu’ga iyo Deyrta (gudaha Juunyo iyo Nofeembar). Waxay tilmaamtaa qabsoomidda guud ee roobka intii lagu jirey xilligii hore iyo saameynaha ay keentay xaaladaha beeraha iyo dhirta. Iyadoo laga duulayo qabsoomidda xilliile isticmaaleyaashu waxay si fiican u qiimeyn karaan xaaladda waxsoosaarka deegaannada oo goor horea u qorshayn karaan wareegga xiga.

Subscribe/ Carbuuno

 
 
 
Somali