Saadaasha Roob-da’idda Soomaaliya 09-05-2017

Somali
Rainfall Forecast
Title Language: 
Somali
AttachmentSize
PDF icon Somalia_Rainfall_Forecast_09052017.pdf193.43 KB
Language: 
Abstract: 
Labadii maalmood oo u dambeeyey ayaa waxaa sii socday roobab fudud ilaa kuwo dhexdhexaad ah oo ka da’ay dhawr meelood oo dalka ku kala yaal. Roobabka waxaa la filayaa in ay toddobada maalin ee na soo xiga ka sii socdaan gudaha qaybo badan oo dalka ka tirsan. Saadaasha roob da’idda ee toddobaadka soo aadan (Khariirad 2), waxay muujineysaa in roobab dhexdhexaad ah ilaa kuwo culus ay ka jiri doona gudaha Soomaaliland iyo Puntland. Waxaa gudaha qaybaha koonfureed laga filayaa roobab fudud ilaa kuwo dhexdhexaad ah halka gobollada dhexe la filayo in ay isla muddadaas ahaadaan qalayl. Buuraleyda sare Itoobiya ayaa sidoo kale iyagana la filayaa inay sii ka socdaan roobabka da’aya isla muddadaas inta lagu jiro. Tani ayaa markeeda horseedi doonta inay sii kordhaan heerarka biyaha gudaha webiyada Juba iyo Shabeelle. Fatahaado webi ayaa laga soo sheegay aagga bartamaha webi Shabeelle taas oo ay ugu wacan tahay dacallo furan iyo gebiyada oo tag daran. Weli waxaa halkaas ka jira halis fatahaad dhexdhexaad ah qaybaha dhexe iyo xagga hoose ee webiga Shabeelle. Ma jirto wax halis fatahaad ah oo laga filayo jiidda webi Juba. Isticmaaleyaash xogtaan waxaa loo sheegayaa inay waxaani yihiin saadaal oo ay dhici karto in mararka qaar ay wax isweydaartaan saadaasha iyo xaqiiqda qadarka roobka la helay.
Access conditions: 
Date of publication: 
May, 2017
Form: 
Notes: 
Source: