Saadaasha Roob-da’idda Soomaaliya 04-05-2017

Somali
Rainfall Forecast
Title Language: 
Somali
AttachmentSize
PDF icon Somalia_Rainfall_Forecast_04052017.pdf190.51 KB
Language: 
Abstract: 
Labadii maalmood ee laga soo gudbay roobab fudfudud ilaa kuwo dhexdhexaad ah ayaa ka sii socoday gudaha dhawr meelood oo ka yaal dalka oo dhan.Gudaha Gobollada Togdheer iyo Waqooyi Galbeed ee gudaha Somaalilan waxaa la diiwaangeliyey roobab fiicfiican kuwaas oo si habbon ugu qaybsanaa dhul iyo waqti ahaanba tan iyo 1-dii May 2017. Qaybaha koonfureed ee dalka sidoo kale waxay heleen roobab fiicfiican gudaha dharw meelood oo kooban tan iyo bilowgii bishaan May. Marka la eego labadii maalmood eedhanbe waxaa jirey gudaha Puntland hoos-u-dhac waxkuool ah ee roobabkii da’ayey. Roobabka waxaa la filayaa in ay ka sii socdaan gudaha dalka intiisa badan labada maalmood ee soo socota, laakiin hab si hooseysa ah. Buuraleyda saree e Itoobiya waxaa sidoo kale la filayaa inuu sii socdo helitaanka roobabka isla muddada tan. Arrintaani marka waxay horseedeysaa in heerar webiyada Juba iyo Shabeelle ay kordhaan. Fataad webiyeed ayaa laga soo sheegay Gobolka Bartamaha webiga Shabeelle iyadoo ay ugu wacan tahay daamanka oo furan iyo gebiyada webiga tag daran. Qolyaha isticmaalaya xogtaan waxaa lagu wargelinaya in waxaani ay tahay saadaal oo mararka qaar waxaa ka jiri kara farqi ka duwanaan oo ka dhex dhaca saadaasha iyo qadarka xaqiiqda roob la helay. Saadaasha, heerarka webiga la arkay iyo qadaka roobka-da’a waxaa loo cusboonaynsiiyaa si maalinle ah waxaana laga helikaraa gudaha xiriirkaan: http://systems.faoso.net/frrims/
Access conditions: 
Date of publication: 
May, 2017
Form: 
Notes: 
Source: