L-15 Baaris Geedo Jarid gudaha Dhulalka Daaqsinta Waqooyi-bari Soomaaliya

Somali
Technical report
Title Language: 
Somali
Language: 
Abstract: 
Warbixintaan waxay qeexeysaa sida masawirro dayax-gacmeed aad iyo aad u bayaansan loogu isticmaalay in la qiyaaso xaddiga geed-jarista gudaha Puntland. Daraasaddu waxay isticmaashay muuqaal tarjumid lagu sameeyey sawirro ah Ikonos iyo Quickbird oo midba yahay sanadkii 2001 iyo 2006 si loo soosaaro khariidado cumur geed ee labada sano. Wadashaqayn ka dhaxaysa SWALIM iyo Xarunta Cilmibaaris Wadajirka EC oo ku taal Ispra, Talyaaniga (EC Joint Research Centre at Ispra, Italy) ayaa sidoo kale lagu jitaabiyey habraac automaatik ah si loo aqoonsado oo loo abla-ableeyo geedaha. Labada farsamaba waxay soosaareen natiijooyin isu eg, kuwaas oo muujiyey guud ahaan hoosudhac ku yimid cumur geedaha intii u dhexeysay sanadkii 2001 iyo 2006. Natiijoojinku waxay sidoo kale muujiyeen meelo qaarkood oo ay cumurradu kordheen taas oo ay ugu wacan tahay dhawris deegaaneed ku timid hawlgallo bulsho. Xeeladda la isticmaalay waxaa lagu sii baahin karaa qaybaha kale ee Soomaaliya si loo caawiyo ololeyaal dhir beeris iyo dhawris deegaaneed.
Access conditions: 
Date of publication: 
March, 2009
Agris Subject Categories: 
Form: 
Notes: 
Source: