Ciidda

Beerasho waxsoosaar leh waxay ku xiran tahay biyo ku filan (xag roob ama habab waraab), bacrimin aan sun lahay, iyo tayo-sare ama saad abuur beden (organic). Beerasho waxsoosaar leh waxaa kale oo ay u baahan tahay quwad jir si ay wax beerto oo goosato (halkii ay ka maqan yihiin quwad qalab makiinad), iyo waxbarasho habboon iyo helis macluumaad. Hase yeeshee kahor waxyaalaan, beerasho guuleysata waxay u baahan tahay ciid nafaqo-hodan ku ah.

Tayada ciiddu waa xubin lama huraan oo tilmaamaysa waxsoosaar beereed iyo beyado dabiici ee Sooomaliya. Hase ahaatee ciiddu waa kheyraad nugul oo aan dib-u-cusboonaan kareyn. Sahal ayey ku xaaluftaa oo waa adagtahay, gaabisa, oo waa qaali ah in dib loo cusbooneysiiyo. Ciid haleyn iyo xaalufin waa wax xiriir toos ah la leh dhibaatada gaajada ka jirta Soomaaliya iyo caalamka.

Soomaaliya waxay leedahay noocyo ciid kala duwan, ugu horayn u dhigmata cimilada iyo dhagaxa dhalay.Qeybaha waqooyiga dalka (Soomaliland iyo Puntland) waxay leeyihiin ciid bacaad qoto-gaaban iyo/ama ciid dhagaxley ah iyo ciido qaar yara qoto-dheer didib nuurad hodan ku ah. Dhulka joog-sare Hargeysa hareeraheeda, ilaa xad roob badan wuxuu leeyahay maado haraadi-jir basbeelay (organic content) korreysa oo ku jirta ciid bacaad didib nuuradle ah ku asteysan ee dooxooyinka waqooyi. Ciidaan waxay suurogelisaa beerashada qaar beero-roobad ah. Koonfurta Hargeysa waxaa ka bilowda gobolka “Hawd” oo ciiddiisu tahay casaan didib nuuradle oo sii aada Itoobiyada Ogaadenya oo waxaa ka baxa dhir daaqqa geela ku habboon. Waxaa ciid dhoobey qoto-dheer laga helaa koonfurta Gebiley gudaha Soomaliland.

Qeybta dhexe ee dalka qaalib ahaan ciid waa bacaad inta ku dherersan xeebta iyo ciidd dhexdhexaad qoto-dheer oo furfur ah oo ay ku jiraan oo Kaljam carbonate iyo gybsum (calcium carbonate and/or gypsum) badan gudaha beeriga la aado. Konfurta Soomalia waa caanka ah dhul hooseeya oo dhoobey banaan ah, oo la xiriira webiyada Juba iyo Shabeelle. Dhulkaan banaanka ah wuxuu leeyahay ciid dhoobey ah, oo qaar ka mid ah biyo socodku liito iyo/ama ciid ay ku jirto cusbo heer sare. Qaar ka mid ah dagaannada webiyada waxay sidoo kale halis u yihiin biyobaxo/fatahaad. Dhulka webiyada u dhexeeya wuxuu leeyahy ciid qoto-gaaban (gaar ahaan marka la aado xagga xuduudka Itoobiya) iyo ciido qoto-dheer oo isgu jira furfur ah iyo doobey culus. SWALIM waxay qaybo kala duwan oo cidda ah Soomaaliya ku samaysay sahanno tiro badan oo waxaa socda hab lagu uruurinayo xogta saldhigga ciidaha qaranka (national soils database).Waxbinno ciid oo faahfaahsan oo ay la socdaan khriidado ayaa laga helikaraa maktabadda qaybta daabacaadaha. (library)

Lumid ciid sare iyo hoos u dhac qoyaan  ayaa ah qaar ka mid ah noocyada ugu badan xaaluka dhulka Soomaaliya.

Nike

Somali