SWALIM Waxay Taageertaa Hawlaha Maareynta Kheyraadka Dabiiciga gudaha Soomaaliya

Dadka sida degdegga ah u badanaya gudaha Soomaliaya, oo ay weheliso dagaal ahli ah, waxay wadaan inay saaran cadaadid culus dhulka iyo deegaanka, taasoo keeneysa degdeg u yaraanshaha kheyraadka dabiiciga ah ee dalka. Xaaladda jirta waa mid aan sii jiri karin, oo keynaysa in kheyraadka lagula baxayo si deg deg badan inay ku soo kabtaan, oo horseedeysa in tartiib-tartiib ay u lunto hanti muhiim dabiici ah. Halista ballaaran ee haysata noolaha kala duwan gudaha Soomaaliya waxaa ka mid ah ka ganacsi isticmaal dhul, sida dhirta loo jarto soosaarid loox iyo dhuxul, nafaqatirid carro iyadoo xad dhaaf wax looga goosanayo, iyo isbedelo ku saabsan cimilada, taasoo keentay roobabkii oo yaraaday. 

Sanadihii laga soo gudbay, SWALIM waxay horyaal ku ahayd hawlaha mareynta kheyraadka dabiiciga (MKhD) gudaha Soomaaliya. FAO-SWALIM waxay leedahay kaabayaal, khubaro tababaran, hardware iyo software lagu uruuriyo oo lagula tacaalo xogta kheyraadka  dabiiciga ah. U adeegsiga farsamooyinka Eegista Fog (Remote Sensing) iyo GIS in wax ka ogaanshiyaha kheyraadka dabiiciga iyo khariidadeynta, oo ay weheliso indhaindheyn goobeed cilmiyeysan, hawlaha SWALIM ee taxaluqa MKhD waxay ahaayeen horumar cusub. Istaraatijiyad guud waxay ahayd in la xoojiyo shaqaale farsameedka soomaaliyeed iyadoo la siinayo tababarro  ku saabsan habab cilmiyeed looga shaqeeyo MKhD.

Macnahaan oo ah, helitaanka awood farsamo taasoo ku qeyb ah barnaamijka Dib-usoo-kabashada ee 2013-2015, FAO-SWALIM waxaa loo xilsaaray inay taageerto hawlaha Maareynta Kheyraadka Dabiiciga gudaha Soomaaliya. Ulajeedada, barnaamikaan ku jirta, waa in la dhiso meel keydisa xogta iyo macluumaadka iyadoo la hormarinayo saldhig-xogeed casri ah oo dhammaystiran oo lagu qorhseeyo kheyraadka dabiiciga. Tani waxay hagaajin doontaa maareynta kheyraadka dabiiciga jira iyadoo la fudududeynayo aqoonsiga iyo taabagelinta siyaasado ku haboon ee horumarin oo taageera horumarin waarta oo loo siman yahay. Macluumaadka wanaagsan wuxuu suurogelin doonaa  si habboon u isticmaalidda,  isku-duwidda, iyo maareynta kheyraadka dabiiciga iyo deegaanka, iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga ka dhexeeya bulshooyika maxalliga iyo daneeyeyaasha kale.

Hawlaha barnaamijka FAO-SWALIM ayaa diiradda lagu saaray afar degmo oo tijaabo ah: Doolow, Burco, Oodweyne, iyo Iskushuban. Ulajeedadu  waxaa ahayd in mid kasta afarta degmo, laga dhiso beer dhir xanaaneyn bulshadeed iyo in la soo saaro xog iyo macluumaad ku saabsan heerarka nafaqo ee carrada, dedka dhulka, isticmaalka dhulka, iyo Helitaan Shidaal iyo Tamar Ammaan (HShTA) ah ee macnaha guud ee bani'aadamnimadu qabto. Waxaa la rajeynayaa in beerta xanaanada dhirtu siin doonto geedo tallaal ah iyo sidoo kale tallaal geed-mirood oo ay ka qaataan beero-iyo-xoolo-dhaqatada. Qorsheyaasha maareynta bulsho ee kheyraadka dabiiciga ayaa sidoo kale lagu soosaari doonaa barnaamijka.

Hawlaha barnaamijka ayaa lagu soo gabagabeeyey gudaha Doolow (waxaa diyaarsan saldhigyo xog iyo warbixin qabyoqoraal ah), halka shaqadu ay weli socoto meelaha kale. Si ay ahaatee, gudaha Oodweyne iyo Burco diiwaangelinta MKhD (Maareynta Kheyraadka Dabiiciga) waa la dhammeeyey oo natiijooyinkii waxa lagu daray Warbixinta Baarista Kheyraadka Dhulka ee Soomaaliland, kaasoo ay soosaartay FAO-SWALIM oo laga dhigay wax dadweynuhu u furan si loogu isticmaalo qorshaynta iyo maareynta kheyraadka dabiiciga.

Ku dhaqaadidda hindisaha HShTA, waxaa shaqo ay hogaaminayaan shaqaale farsamo oo ka socda Xarunta FAO Soomaaliya, Xarunta Guud ee FAO Rooma iyo Keymo Goboleedka & Xaafiiska Ibedelka Cimilada ee Addis-Ababa ku booqaday Hargeysa iyo Doolow si ay u qabtaan wadahadallo kooxaysan bulshooyinka oo ku saabsan hawlaha la xiriira HShTA. Ayadoo la raacayo gundhigga doodaha sahamadii goobaha, waxaa la soosaaray qabyoqoraalkii koowaad oo ku saabsan istaraatiijiyadda HShTA ee Soomaaliya. Istaraatiijiyadda waxaa ka mid ah faahfaahin ku saabsan  xalinta khilaafaadka, tacaddiyada ku saleeysan jinsiga yio arrimo caafimaad oo la xiriira helitaanka shidaalka iyo tamarta. Ururada ku lug lahaa hindiseyaasha HShTA ee bulshooyinka la beegsaday ayaa la sifeeyey (carifay) oo la khariidadeeyey.

best Running shoes brand | adidas guatemala miraflores peru en vivo 2019

Somali
Thumbnail Image: 
Feature Article: 
Yes