Sidee SWALIM u taageertay Digniin Hore iyo Diyaargarowga, El Niño

Ifafaalaha cimilada El Niño ee 2015 waxaa la saadaaliyay in uu noqonayo midka ugu xoogga badan oo ugu wax burburin badan taariikhda (eeg SWALIM Wargeyska cusub ee 9 May - Agoosto 2015). Sida la filayey saamayn aad u ba'an oo ay ku yeelato Soomaaliya, SWALIM waxay si adag uga shaqaysay in la-hawlgalayaasha horumarinta iyo maamullada Soomaaliyeed ay qaadaan xilli horeba olole diyaar-garow oo aan horay loo arag. Si ka duwan sanadihii hore, markaas oo daadad sababeen dhimasho iyo baabi’in dhul beereed, kaabayaal iyo xarumo sida dugsiyo, xaaladdu markaan waa duwaneyd sidii hore – waayo burburkii ayaa laga hortagey taasoo ku timid tallabooyin hore oo la qaaday. Inkastoo saadaasha El Niño oo xad dhaaf ah aysan weli ka soo banaan bixin  gudaha Soomaaliya, qayb badan oo ah sababta burburka kooban uu ku yimid waxay tahay dadaal waqti ku habboon ay sameeyeen SWALIM iyo la-hawlgalayaasha. Intii lagu jirey curashada roobabkii cuslaa ee la filayey, ayey  SWALIM noqtay xarun ka dhexeysa isku-xirta hawlaha isuduwidda Hay'adaha iyo dhammaan hawlaha digniin hore iyo u diyaar-garowga El Niño ee gudaha dalka.  

Iyada oo la tixraacayo hababka macluumaadka SWALIM, waxaa horraanba bulshooyinka si fiican looga digay fatahaado wax xayira sidaas darteedna waxay awoodeen in ay isaga fogaadaan halista. Ka hor iyo inta lagu jirey xilli roobaadka, SWALIM waxay qaybisay  macluumaad isku duuban oo tilmaamaya  xaaladaha halista ah si ay uga fogaadaan iyo sidoo kale oo ay talo siisay arrimo la xiriira muhiimadda ay leedahay ilaalinta qararka webiga. Qiyaastii 8,800 oo fariimood ayaa la faafiyay iyo in ka badan 3,000 oo nuqul oo qoraalo u diyaargarowga daadka ah ayaa loo qaybiyey bulshooyinka nugul ee deggan hareeraha webiyada Jubba iyo Shabeelle. Ololaha warbgelintu ma caawiyin oo kaliya ka hortagga khasaarooyin dhaqaale oo baaxad-weyn, basle sidoo kale wuxuu badbaadiyey nafley. SWALIM waxay hagaajisay habka jirey ee digniinta hore oo ay ku dartay nidaam akhbaar feejignaan (SMS), loo yaqaan Digniin (oo ka soo jeeda eray Soomaali ah). Digniin (fiiri sanduuqa bogga 10) waxay u ogolaaneysaa goobjoogayaasha ee guud ahaanta Soomaaliya in ay soo sheegaan dhacdooyinka El Niño la xiriira iyagoo isticmaalaya  fariimo telefoon. Fariimaha laga helo goobjoogayaasha iyo macluumaadka kale ee wax-ku-oolka ah ayaa dabadeed  la habeeyaa, la xaqiijiyaa, oo haddii ay quman yihiin, lagu wargeliyaa si bulshooyinka nugul a u noqdaan heegan waqti dhabtii ku haboon. Waxa weheliya Digniinta soo raaca, in SWALIM qaybisay macluumaadka digniinta hore oo daad iyada oo ah e-mail, mid raadiye baahiyey iyo mid toos bogga mareegta internetka lagu faafiyey.

U diyaargarow loo adeegsaday meel fog kala socodka dillacyada daamanka webiga SWALIM si joogto ah dabagal ugu samaysaa dillacyada daamanka wabigu iyo meelaha daadadku ka iman karayaan ee jiidda webiyada Jubba iyo Shabeelle ee gudaha Soomaaliya. Bishii July 2015, SWALIM waxay isticmaashay sawirro dayac-gacmeed, oo lagu daray indha-indheynta goobta, si loo aqoonsado meelaha taagta daran ee ku dherersan wabiyada oo waxay xogtaan la wadaagay la-hawlgleyaasha horumarinta, maamulada deegaanka iyo bulshooyinka. Si Qorshe Hawlgal u Diyaargarow El Niño xidhiidh la leh, ayaa macluumaadkan loo isticmaalay si loo doorto 72 goobood oo furan oo wabiga gebiyadiisa ee hareeraha Wabiga Shabeelle halkaas oo si guul leh hawlo dayactir ay FAO Soomaaliya ka dhaqangelisay iyadoo ay iskaashanayaan Wasaaradda Beeraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dayactirka waxaa markii dambe ansixiyey SWALIM iyadoo adeegsatey Jeedaalinta Fog (remote sensing) iyo soo indhaindheynta goobta. Hawlaha waqtiyeysan oo si fiican beegsanya hawlaha u diyaargarowga waxay ka hortagtay musiibada ka dhacda meelo badan, gaar ahaan qaybaha aagga ugu nugul ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Falanqaynta sawirrada dayax-gacmeedka ee dhawaantan waxay xaqiijiyeen hoos u dhaca fatahaadda, inta badan jiidda qaybaha qararka Webiga Shabeelle meeshii ay FAO ka caawisay abaabulidda hawlgallada. Falanqayn dheeraad ah oo la isbarbardhigey  laba masawir ee goobaha daadadku ku fataheen gudaha Jowhar bishii May 2015 iyo bishii Janaayo 2016 waxay muujiyeen hoos u dhac ah 43 % ka mid ah dhul beereedkii daadadku maasheeyeen. Iyadoo la tixgelinayo kali ahaan wax-soo-saarka gallayda ee gudaha Gobolka Shabeelle intii lagu jirey xilliga Deyrtii la soo dhaafay, hoos u dhacyada khasaaraha waxaa loo tarjumi karaa in qiyaastii kaydu le’eg yahay 6.7million- USD. “Macluumaad Waxqabad" wuxuu caawiyaa dhisidda Adkeysiga Bulshada. Hababka digniinta hore ee lagu dhaqaaqay inta lagu guda jirey dhacdo El Niño ah waxay gacan ka geyteen in wax laga qabto dhibaatada ugu weyn maaraynta musiibooyinka dabiiciga ah: isku xirka itaalka daran ee u dhexeeya digniinta hore iyo jawaab-celinta hore ee xaaladaha baahiyeed.

Guusha shabakadda Digniin waxay tilmaan wanaagsan u ahayd sida ay tahay wada shaqaynta ka dhexaysa hay'adaha horumarinta, xukuumadaha qarameed iyo hay'adaha bani'aadamnimada ay u taageeri karaan jawaab celin wax ku ool ah. Waxy sii xoojisay bulshooyinka maxalliga ah si ah ka jawaabayaasha koowaad ee waxyeellooyin El Niño iyadoo loo hagaajinayo si wax ku ool u ah habab digniineed bulshada ku sal leh, abaabulidda fursado shaqo ku meel gaar ah si loo dayactiro kaabayaasha bulshadeed oo isla markaasna loo siiyo macluumaad iyo qalabyo si loo yareeyo khasaaraha heer qoys. SWALIM sidoo kale waxay iskaashi la samaysay  wasaaradaha dowladda iyadoo siisay tababar shan maalmood ah oo ku saabsanaa Dhimista Halista Musiibo (DhHM) oo ay ugu qabatay gudaha Muqdisho inta lagu guda jirey bisha Oktoobar, 2015. Tababarka la qabtay oo qayb ka ahaa qorshaha u diyaargarowga El Nino ee FAO wuxuu daboolay aqoon aasaasi ah iyo xirfado ku taxaluqa Dhimista Halista Musiibooyinka (DhHM), farsamooyin u adkeysi abaareed iyo maarayn halis abaareed. Ka qaybgalayaashu waxay sidoo kale barteen sida aqoontooda ay ugu dabaqi lahaayeen sida kor loogu qaado u adkaysiga abaarta iyo si loo diyaargaroobo oo looga jawaabo si wax ku ool ah halisaha abaarta. Dadaaladan waxay suurto galiyey  mahadi ha gaadhee lacag dabacsan oo deeqo hore dhac ah, oo la xusi karo mid ka timid: Waaxda Boqortooyada Midowday u qaybsan Horumarinta Caalamiga (United Kingdom Department forInternational Development (DFID)), Hay'adda Maraykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga/Xafiiska Gargaarka Dibadda ee Musiibooyinka (USAID / OFDA) iyo Cuntada Nabadda loo bixiyo (FFP), iyo Sanduuqa Ka Jawaabidda Degdegga Dhexe ee Qaramada Midoobay (United Nations Central Emergency Response Fund (CERF)).

best Running shoes brand | adidas superstar taper chart size

Somali
Thumbnail Image: 
Feature Article: 
Yes