Adeegyo Macluumaad

Muddo sanado ah,SWALIM waxay samaysay tiro habab macluumaad kombiyuutar la geliyey si loo keydiyo, loo shaandeeyo oo loo baaro xogata tirada badan ee ku uruurisan. Qaar ka mid hababkaan waa kuwo loo isticmaalo gudaha oo keliya, waxaana loo isticmaalaa in lagu soosaaro waxsoosaaro kale oo loogu talagalay daneeyeyaal gaar ah ama  isticmaalaha guud ee macluumaadka SWALIM. Meeshii ay ka suurogeli karto, waxaa macluumaadkayaga ka dhigeynaa mid toos u helikaro isticmaalaha.

Hadda waxaan wadnaaa weji/marxalad dib-u-cusbooneysiineed ee unuggayaga maareyn macluumaad misna waxaan tifaftiran u kor u qaadeynaa casriyeytayada dhammaan xog hagaajin iyo habab kale. Ujeedadayadu waxay tahay  inaan abuurno waxsoosaar urursan oo isticmaalaha u fudud iyo aalado ay khubaro iyo dad guud ay si siman u isticmaalikaraan si ay aqristaan macluumaadkayaga. Ilaa heer suurogal ah,  waxaan dooneynaa in hababkayaga dhammaan inaan ku kulmino hal qaabdhismeed ah oo aan ka dhigno mid rugta baahinta SWALIM laga helikaro (SWALIM website).

Somali