Jeedaalin Fog

 

Jeedaalin fog iyo falanqeyn muuqal-sawir waa qeyb fure u ah hawlaha xog uruurinta SWALIM. Jeedaalin Fog waxaa loola jeeda helidda macluumaad ayadoo aan sheyga ama goobta la darsayo la dul tegin. SWALIM waxay isticmaashaa muuqaal-sawiro mere/dayax-gacmeed oo bayaan heer sare, bayaan heer dhexe iyo bayaan heer hoose ah iyo masawirro dayaarad-qaaday ah si daraasad jeedaalin fog loo sameeyo. Muuqal-sawirrada meeraha waxaa laga helay arkiifiyada “Digital Globe Enhanced View Web Hosting (EVWH)”, arkiifiyada sahmiyaha arlada (the Earth Explorer archive of the United States Geological Survey (USGS)), sidoo kale waa la soo iibsadaa, iyadoo la marayo xarunta dhexe FAO ee ku taal gudaha Rome, waxaa la helaa beeciyeyaal keena sida MDA (MacDonald, Dettwiler and Associates) Geospatial Services. Ilahaan waxaa lagu sii daraa muuqaal-sawirro (Google Earth images) si qiimeeyn degdeg ah iyo markasta oo aan la heleyn muuqaal-sawirro haboon ee meere/dayaxgacmeed. Muuqaal-sawirrada la helo waxa la mariyaa hannaan adag oo xaqiijin, falaqeyn iyo hagaajin ay ku sameeyaan khubaro SWALIM, markaas ka dib waxaa qaabab kala duwan looga dhaliyaa waxsoosaaro badan oo kala duwan sida khariidado, shax-xisaabeed (tables), shabakad sawiro (raster), jaantusyo (charts), garaafyo iyo qaabab galal/feylal (shape files).

Muuqaal-sawirro meere oo heer sare bayaan u ah (VHR satellite images) ayaa sida badan loo isticmaalaa meel fog kalasocdka hawlo dayactir ee keliyo waraab, waro/harooyin, waddooyin yaryar iyo kaabayaal kale, iyo in la qiimeeyo saameynta hawgalladaan. Muuqaal-sawirro meere heer bayaan dhexdhexaad iyo mid heer sare ayaa sidoo kale loo isticmaalaa in la qiyaaso deegaannada la beeran karo gudaha dalka si loo sameetoo tilmaan awood dhul beereed iyo qiyaasid waxsoosaar ee habab waxbeerid kala duwan ee heerar goboleed iyo mid degmadeed ah. Intaas waxaa raaca, SWALIM waxay u isticmaashay aalado jeedaalin fog waxqabadyo ah sida khariidadeyn, iyo sifafaaleyn ded dhul iyo isticmaal dhul, qorshayn isticmaal dhul iyo la socod xaaluf dhul.

 

  Aerial view of the Bend of Luuq                              

Unugga SWALIM ee jeedaalin fog iyo muuqaal falanqeynta wuxuu sidoo kale diyaar u yahay inuu soosaaro waxsoosaaro kala gedgedisan si loo oofiyo baahiyo gaargaar ah ee macaamiil, oo waafaqsan himilo SWALIM tiigsato. Waxaa ku jira codsiyo macaamiil oo ah adeegyo jeedaalin fog (RS), oo ay SWALIM soosaartay:

Somali