Habab khad-shidan

Hababka soo socda waa wax toos khad-shidan uga helikaraan codsadeyaal iyo daneeyeyaal macluumaadka SWALIM. Hababkaan qaar waxay u baahan yihiin in aad leedahay xisaab-dhigaal isticmaale (user account) oo jirta. Fadlan la soo xiriir maamulaha rugta ama Unugga Maareynta Macluumaadka SWALIM si laguugu sameeyo xisaab-dhigaal iyo ruqsad helid.

Xog Ilo Biyo ee Soomaaliya (Khariidad Nool - SWIMS)

Khariidadda nool ee Ilaha Biyaha waa hawlgelinta web leh muuqaallo isugu jira maareyn xog iyo muujin muuqaal xog iyadoo loo marayo isgaarsiinta Casriga (internet). Hay’ado maareeya macluumaad biyo waxay imminka isticmaali karaan khariidad nool si ay u ururiyaan, u cusbooneeyaan, oo u faafiyaan xog ilo biyo halka isticmaaleyaal kale  ay awoodi doonaan inay iscticmaalaan khariidadda nool si ay u arkaan xogta  iyo sidoo kale ay “dhoofinyaan” isticmaalo kala duwan awgood oo ka baxsan khariidadda nool. Khariidadda nool waxay aad u hagaajisey sida macluumaad il biyo loo maareeyey gudaha Soomaaliya, halkaasoo goobo ilo ay yihiin il biyo asaasiga ah. Ayadoo la adeegsanayo khariidadda nool, macluumaad ilo biyo meel ay ahaataba waa laga helikaraa, haddiiba ay jirto ku xiriirsanaan isgaarsiin casri ah (Internet-ka). Xogta la daabacay waxaa laga dhigay wax ay helikaraan dhammaan isticmaalayaal ka tirsan hay’ado Qaaruumaha Midoobey (UN), hay’ado samafal (NGOs) iyo qeybaha isticmaaleyaasha hay’ado gaar loo leeyahay.

Buug-tusmeeyaha Xog-masaafeedka SWALIM (SWALIM Spatial Data Catalogue (Geo-Network)

Hay’ado badan oo Qaaruumaha Midoobey, hay’ado samafal (NGOs), wasaarado dawladeed iyo kuwo kalaba waxay ugu baahan yihiin hawl maalmeedkooda in ay helaan khariidado iyo xog-masaafeed urursan. Khariidado si gaar ah waa aalado isgaarsiineed oo waxkuool u ah go’aan-gaareyaal degdeg ugu baahan, waxsoosaar lagu kalsoonaan karo iyo waxsoosaar isticmaale-u-fudud si ay qorsheeyaan oo ula socdaan hawqabadyadooda. Inkasta oo xogaha urursan ay jiraan, waxaa dhib badan in la ogaado meesha laga helo iyo goorta la helikaro, caadi ahaan maha wax badanaa qoraal fiican looga sameeyey si waxkuool loo isticmaalo. Si loo abaaro dhibaatadaan, SWALIM waxay dejisey buug-tusmeeye xog-masaafeed urursan (spatial data catalogue) oo ku dhisan Software FAO GEO-Network (FAO Geo-Network software). Buug-tusmeeyuhu wuxuu bixinayaa fursad helid xog-saldhig ballaran oo xog-masaafeed ah iyo khariidado qoraallo dhammaystiran leh. Geo-Network wuxuu sidoo kale ku siinaya fursad helitaan xog masaafeed mug weyn oo kala timid hay’ado kala duwan (kuwaasoo sidoo kale kala direy software), oo sidoo kale bixiya khariidado muujiye saldhig-web (web-based) ku jirta oo la dhexgalo, oo dad u ogolaanaya khariidado iskudhafan, ka qaadasho lakabyo kala duwan oo ku jira adeegsideyaal /adeegtareyaal (servers on internet).  

Xogta SWALIM iyo Rug-keydinta Qoraallo

Mudada dhaw oo la soo dhaafay, isticmaaleyaal macluumaadka SWALIM waxay ahayd in ay booqdaan xaafiisyada mashruuca, ay isticmaalaan xog ku jirta DVD-yo ama inay codsiyo tiro badan ku soo sameeyaan khad-shidan iyo khad-densan (online iyo offline) si ay ruqsad ugu helaan xogta saldhigga ballaaran ee kheyraadka biyaha iyo dhulka ee uu mashruucu abuuray toddobadii sano ee dambe – wax u sahlan ma aha isticmaaleyaal fara badan. Madalsha dhawaan la yagleelay, waxay hadda u ogolaaneysaa in dhammaan xogta saldhigga kheyraadka biyaha iyo dhulka SWALIM ay goob qura gudaheed ka helaan. Ayadoo la isticmaalayo hal codsi oo fudud, isticmaaleyaashu waxay awoodi karayaan inay ruqsad u helaan diiwaanno qoraallo ku keydsan xog-keydiyeyaal badan oo kala duwan. Gigabyte-yo xog ah ayaa ku jira codsiyadayada, rugta faafinta internetka (website) iyo DVDs-yo la isugu soo uruuriyey si hab fiican loo qaabeeyey, loo hagaajiyey oo ay fududahay in la isticmaalo kaasoo laga helikaro meel kasta oo leh xiriirin internet. Meeshii ka ay xadidan tahay ku xirnaashada Iternet-ka, tusaale ahaan gudaha wasaaradaha dawladda Soomaaliya, xogta SWALIM iyo rugta keydinta qorallada (SDDR) waxa lagu helikara si ah khad-densan (offline). Maadaama maalin waliba xog cusub la soo saaro, nidaamka khadka-densan (aan ku xiriirsanayn internet-ka) waa in saddexdii biloodba mar la cusbooneysiiyo. 

Xogta ku jirta gudaha rugta keydinta (SDDR) waxaa loo habeeyey nuxur ahaan shan qeybood:  (1) Xog biyo, (2) Xog dhul, (3) Xog masaafad/bed, (4) Daabacaado iyo (5) Aalado SWALIM (SWALIM applications). Xog biyo waxaa ku marka kuwo kale lagu daro, xog maalmeed hawo, heerar webi iyo xog ilo biyo. Xogta dhulka waxaa ku jira xog-saldhig/xog-gun ciid oo ballaaran oo ay mid yihiin falanqayn bacrimin ciid dhammaystiran, ded/hu’ dhul, isticmaal dhul, iyo xaaluf dhul, iyo kuwo kale. Xogta masaafadeed/bed waxaa ku jira darsaan badan oo qaab feylal tayo sare oo ESRI (high quality ESRI shape files) kuwaasoo loo adeegsankaro gudaha habab macluumaad joqraafiyeed ah (geographic information systems).

Khatar Fatahaad iyo Hab Maareyn Jawaabid

Dhinaca hoose ee webiyada Juba iyo Shabeelle waxaa si joogta ah lagu arkaa fatahaao ba’an inta lagu jiro xilli roobaadyada. Si ka jawaabid waxkuool ah loo sameeyo oo badbaadisa nafta iyo hantida, waxaa loo baahan yahay xog waqtiga la socota ee xaaladda fatahaadda jirta, meelaha ay saameysay, iyo helitaan waxyaalo gurmad degedeg iyo alaabooyin kale. SWALIM waxay samaysay rug faafisa warka Khatarta Fatahaadda iyo Macluumaadka ka Jawaabidda, si ay u taageerto hawsha ay hayso Koox Hay’ado ka Shaqeeya Fatahaadda Soomaaliya. Macluumaadka la helikarayo waxaa ka mid ah:  

  • Fatahaado Taariikhi ah

  • Heerar webi

  • Goobo fatahaad/biyobaxado ka dhacday

  • Xaalado waddooyin iyo qiyaas tiro dadweyne fatahaad saameysay

  • Maareyn ka jawaabid muujineysa macluumaad kob xiriir ee koox hogaamiyeyaal ah


     

Qiimaha habka iyo muhimaddu waxay ku tiirsan yihiin macluumaad laga helo lahawlgaleyaasha. Habka waxaa la rajeynayaa inuu waqtiga isla bedbedalo si loogu biiriyo macluumaad gundhig xagga saadka oo dheeraad ah.


 

Somali