W-20 Sahan Biyo-jooloiyeed iyo Qiimayn Meelo laga Doortay Gudaha Soomaaliland iyo Puntland

Somali
Technical report
Title Language: 
Somali
Language: 
Abstract: 
Warbixintani waxay muujinaysaa qiimayn la sameeyey sanadkii 2011/2012 si loo ogaado biyaha kayd oo ka jira dhulka-hoose ee gudaha Soomaaliland iyo Puntland. Warbixintu waxay bixinaysaa faahfaahino ah xog ururinta iyo falanqaynta ay ka mid yihiin: - sahanno jooloiyadeed iyo oogo-dhuleed (geological and geophysical field surveys) oo geyiga duurka ah; iyo falanqayn xog jeedaalin dareeme fog (remote sensing data), iyo sidoo kale waxyaabo kala duwan oo laga soo saaray sahanka/qiimaynta.Waxsoosaarka sahanka biyo-jooloiyeed (hydrogeology) waxaa ku jira waxyaabo kale oo ku dhex jira: biyo-jooloiyeed iyo tayada biyaha Somaliland iyo Puntland oo heerka cabirku yahay 1: 750,000; khariidado hydrogeology ee 4 aagag oo la danaynayo oo qiyaasta cabirku tahay 1: 250,000; Warbixinta weyn ee qiimeynta iyo 4 lifaaq oo bixinaya faahfaahinada shaqada duurka, geophysics, jeedaalin dareeme fog iyo gundhig-xog. Warbixinta waxaa la filayaa inay isticmaalaan daneeyeyaal kala duwan ee waaxda biyaha, badanaa maamullada biyaha Somaliland iyo Puntland ee horumarinta iyo maaraynta khayraadka biyo-dhul-hoose ee gudaha gobolka.
Access conditions: 
Date of publication: 
December, 2012
Agris Subject Categories: 
Form: 
Notes: 
Source: