Muuqaalka roobda’a Soomaaliya ee Deyrta 2016

Somali
Rainfall Outlook
Title Language: 
AttachmentSize
PDF icon Somalia Deyr 2016 Rainfall Outlook.pdf232.38 KB
Language: 
Abstract: 
Sida dhawaan lagu sheegay saadaal cimilo xilliyeed ku saabsan Geeska Afrikada Weyn ee soo saartay xarunta IGAD ee Saadaasha Cimilada iyo Xarunta dabaqaadda (ICPAC) ee taal gudaha Kampala, Uganda, roobabka Deyrta sanadka 2016 ee gudaha Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa inay noqdaan kuwa dhexeeya wax ka hooseeya caadi ilaa caadi –iyadoo qiyaasta la filayo ay tahay 40% roobab ka hooseeya caadi iyo qiyaastii 35% roobab ku dhaw caadi gudaha dalka oo idil. Biyo-qabatinka sare ee webiyada Juba iyo Shabeelle gudaha Itoobiya ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in ay ka jirisayso hoos udhac roobab inta lagu guda jiro xilliga Deyrta. Fadlan eeg lifaaqqa si aad u aragto tafaasiil dheeraad ah. Fadlan ogow in arrintani tahay saadaal la isla qaatay oo loogu talagaly goobjoogayaasha gobolka taasoo ka waaramaysa isugenta wadarta roobda’a, sanadka 2016, ee muddada saddexda bilood oo ka soo bilowda Oktoobar ilaa Disheembar. SWALIM iyo la-hawlwadaagta farsameed ee kale waxay joogto u cusuboonaysiin doonaan wararka saadaashan oo waxay kuurgali doonaan muddooyin waqtiga gaaban roobabku sida ay noqdaan xilliga Deyrta oo dhan waxaa ayna indin kula soo socodsiin doonaan wargeysyo caadi ah oo ay idiin soo gudbin doonaan.
Date of publication: 
September, 2016