Isticmaalka khariidadda nool/xayiga ah ee helitaanka macluumaadka ilaha biyaha ee ka jawaabidda abaarta

Soomaaliya waxay la kulmaysay mid ka mid ah xaaladaha abaarta ugu daran muddoyinki dhawaa ee la soo dhaafay, ka dib markii xilliyo isku xigxiga ay roobabku liiteen guud ahaan dalka. Qaybo badan oo dalka ka mid ah waxay la kulmeen biyo yaraan ba’an iyo hoos u dhaca weyn oo ku yimid sugnaanta cuntada. Sidaas darteed, hay'adaha bani'aadamnimadu waxay kordhiyeen waxqabadyada tan iyo bilowgii sanadka si ay uga jawaabaan abaarta oo ay uga hortagaan macaluul ka dhacada dalka/iyadoo laga jawaabayo abaarta jirta, hay'adaha bani'aadamnimadu waxay kordhiyeen waxqabadyo degdeg ah si looga hortago macaluul dhacda.
FAO SWALIM waxay wadaa in ay bixiso macluumaad ku saabsan cimilada, heerarka webiga iyo biyaha dhulka, kaas oo ku wargelinaya qorshaynta iyo mudnaansiinta hawlgallada la xiriira biyaha. Waxyaabaha ugu muhiimsan hawgallada socda ee gurmadka aabaraha ee kooxaha kala duwan waa biyo-dhaamin loo isticmaalo nolosha qoysaska iyo xoolaha. Badida ilaha biyaha dalka waa engegeen iyadoo ay sabab u tahay abaarta daba dheeraaday, oo ay ku jiraan webiyada keliya ee joogtada ah ee dalka – Juba iyo Shabeelle ?. Biyaha dhulka laga helo ee ilaha istiraatiijiga muhiimka ah, inta badan ceelal-riigyada, waxay noqdeen isha keliya ee biyaha loo isticmaalo miyiga iyo magaalooyinka labada ee dalka oo idil. Haddaba waxaa loo baahan yahay, in la wado la socodka xaaladda ceelal-riigyada istiraatiijiga ah, iyo in macluumaad la siiyo hay'adaha gargaarka si ay u qorsheeyaan oo ay u fuliyaan biyo-dhaamin iyo waxqabadyo kale.
Joogteynta macluumaad casriyeynta/bixinta macluumaad casri ah oo ku saabsan ceelal-riigyada istiraatiijiga waxay u baahan tahay dadaal la xoojiyey oo ka yimaada daneeyayaasha kala duwan. Tani waxay xaqiijin lahayd daboolid ballaaran ee dalka, sida maamullada biyaha dawladda iyo hay'adaha kale midba mid kale kaabo macluumadka ku salaysan deegaankooda hawlgalka. Kooxda Fayadhowrka iyo Nadaafadda Biyaha Soomaaliya (WASH Cluster), iyadoo loo marayo hawlwadeennada abaarta, waxay ahayd arrin aad u muhiim ah isku dubarididda ka warqabidda goobta ee ka-hawlgalayaasha kala duwan ee deegaanka, halka SWALIM loo xilsaaray isku dubarididda iyo khariideynta wararka goobaha dibedda. Gudha Somaliland iyo Puntland Maamulka Biyaha Dowladda oo kala ah Wasaaradda Kheyraadka Biyaha iyo Maamulka Biyaha Puntland, Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah siday u kala horreeyaan waxay si firfircoon ugu hawlanaayeen bixinta wargelin cusub oo joogto ah oo la xiriirta gudaha gobolladooda.

SWALIM waxay adeegsataa qalabyada jira si ay u faafiso macluumaadka xaaladda ceelal-riigyada istiraatiijiga ah. Kuwaan waxaa ka mid ah Khariidadda Xayiga ah ee Ilaha Biyaha oo ku jirta khadka Internet, oo laga heli karo xiriirka: http://systems.faoso.net/frrims/water_sources/index. Khariidadda xayiga ah waxay siinaysaa la-hawgaleyaasha bar-kulanka wax-iweydaarsiga (an interactive interface) halkaas oo ka heli karaan guudmar ku saabsan saamiga bedeed/masaaxadeed ee ceelal-riigyada ee gobol kasta, iyo sidoo kale macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan ceelal-riigyada gaar ahaan oo ay ka mid yihiin goobta saxda ah, qotinka, xaaladda hawgal ahaaneed, tayada biyaha (cusbada), waxsoosaarka, qiimaha biyaha, iwm. Hay'adaha fulinaya waxqabadyada la xiriira biyaha, inta badan dhaaminta, waxay samaynayaan isticmaalka macluumaadkaan si loo aqoonsado ceelal-riigyada biyo-dhaamin laga heli karo iyo masaafo loo gelayo, maadaama tani ay saamayn ku leedahay qiimaha biyaha.

Si kastaba ha ahaatee waxaa qaybo ka mid ah dalka lama daboolin waqtigii ugu dambeeyey xog casriyeynta, sidaas waxaa laga arki karaa khaiidadda hoose. Hay'adaha ka shaqeynaya meelahaas waxaa laga codsanayaa inay macluumaad bixiyaan, si ay faa'iido ugu noqoto bulshada Soomaaliyeed ee aadka ugu baahan helitaan biyood inta lagu guda jiro waqtigan abaarta. Waxaa jiri doona wargelinno cusub oo joogto oo ku saabsan meelihii horey loo khariideeyey, maadama ay jiraan dhaqdhaqaaqyo tiro badan oo waaxda ka jira oo dhalinaya isbedel degdega ah ee ku dhacaya ceel-riigyada.latest jordans | Men Nike Footwear

Somali
Thumbnail Image: 
Feature Article: 
Yes