WARAABKA

Kahor Dagaalkii Soomaaliya (kahor 1990), waxaay jirey dhul beereed waraab oo baaxad weyn oo ku dherersan dooxooyinka Juba iyo Shabeelle. Hababkaan waraabka xakamaysan oo isugu jira biyoxireenno, keliyo iyo kaabayaal kale, ayaa laga dhisay qeybaha dhexe iyo kuwa hoose ee ay labada webi maraan. Habka keliga wuxuu ka koobnaa keliy koowaad iyo labaad ah, iyo kuwo badan oo keliyo saddexaad ah, oo biyo socodka lagu xakameeyey biyo-xireeno ama darbiyo gudban. Sidoo kale waxaa jirey habab waraab la soo tuuro (bamgareeyo), gaar ahaan inta ku dherersan webi Juba halkaasoo matooro baaxad iyo laxaad weyn la isticmaali jirey si webiga biyo looga soo saaro oo la gaarsiiyo shabakad keliyo xiirsan. Kahor burburkii dawladda, Wasaaradda Beeraha Soomaaliya waxay ku qiyaastay in 112,950 ha ay ahayeen kuwo loo isticmaalo waraab xakameysan, halka 110,000ha ay ahayeen waraab dadaad dib u gurasho (dhasheeg/dhay) (beerasho dhinacyada jiidda webiyada ama biyo kale oo fadhi leh oo la isticmaalo marka daadkoodu dib u guranayaan), taasoo ka dhigeysa wadar bed dhul waraab gudaha dalka wax gaara 222,950ha. Waqtigan la joogo, kaabayaashaan badankood ma shaqeeyaan, markaa bedkii dhulka waraabku aad ayuu u yaraaday.

         Aerial photo of area around Qoryooley Barrage                     Qoryooley barrage before rehabilitation                                  Qoryooley barrage after rehabilitation

Sanadahaan dambe, waxaa jirey dhawr hawgallo waxqabad oo ku quseeya qeybta waraabka gudaha koonfurta Soomaaliya, oo badanaa ujeedadu tahay in la dayactiro biyo-xireenno burbur gaarey iyo keliyo waraab oo gufaysmay. Si loo taageero hawgalladaan, SWALIM waxay samaysay hanaan si fiican u dhisan, oo lagu soo uruurinayo laguna maareynayo macluumaad kii hore iyo kan jira ee kaabayaasha waraabka: Nadaamka Maareynta Macluumaadka Waraabka (the Irrigation Information Management System (IIMS)), Nadaam Kombiyuutar gooni u taagan (a stand-alone PC system) kaasoo lagu helikaro iyadoo la soo codsado. Nadaamka Kombiyuutar gooni u taagan (IIMS) wuxuu bixiyaa macluumaad qaab naqshad iyo mid xisaabeed (both spatial iyo tabular) oo ah mashruucyo socda iyo kuwa qorsheysan. Wuxuu xog siiyaa isticmaaleyasha xog waraab ee madal si ay ogaadaan waxa la helikaro, waxa uu yahay hab waxweydiin ee xogo-saldhig ah iyo qaabab ka duwan oo xog-ka soo-dejin kombiyuutar ah, sida waraqo pdf ah (document), khariidado iyo waraaq-xisaabeed (spreadsheet) iwm.

Somali