La socodka Cimilada

Dagaalladii ka dhedhacay gudaha Soomaaliya waxay horseedeen burburka shabakad wadashqayn ee lasocodka biyaha iyo roobdi’idda (hydro-meteorological) ka dib 1990. Mashruuca SWALIM dhexdiisa, FAO iyo La-hawgalayaasha waxay sameeyeen dadaal weyn si dib loogu abuuro shabakadda macluumaadkaan muhiimka ah uruurisa. Laga soo bilaabo 2002, FAO-SWALIM waxay qaadatay hoggaanka  dib u uruurinta dhammaan xogaha gundhigga ahaa kuwasoo kala firdhisnaa oo badanaa la helikarey oo keliya iyagoo  qaabab kala duwan ka yimid hay’ado kala duwan.

Hadda, waxaa dalka gudihiisa ka jira 80 goobood oo gacan-ku-cabirka roob da’a fuliya, lix goobood oo kooba cimilada iyo sideed goobood oo cimilo iswada ah (Automatic weather stations). Xogta laga helo goobaha gacan-ku-cabirka roobka da’a waxaa loo soo gudbiyaa xaafiiska SWALIM ee Nayroobi si todobaadkiiba mar ah iyadoo loo soo marinayo e-mail ama taleefan.

Lix goobood oo cimilada iskood u cabira  waxay ku yaalaan qeybaha waqooyi ee dalka, oo ka ay mid yihiin Hargeysa, Borama, Aburiin, Burco, Garoowe, iyo Gaalkacyo. Labada kale  oo cimilada iskood u cabira (Automatic weather stations) waxay ku yaalaan gudaha koonfurta  meel ah xadka u dhexeeya Keenya, Soomaaliya iyo Itoobiya ah gudaha magaalooyinka Mandheera iyo Doolow. Waxaa la rajeynayaa in, marka xaaladdu saamaxdo, in goobo iskood u cabira cimilada (Automatic weather stations) lagu rakibo gudaha gobollada koonfureed. Goobuhu waxay diiwaangeliyaan xubno kala duwan ee  cimilada ah, oo ay ku jiraan roob-da’a, heerkul, xaalad huur, cadaadis jawi, xawaaro dabayl, jaho dabayl iyo shucaac qoraxeed. Xogaha laga helo  goobaha iskood u cabira cimilada (Automatic weather stations) waxay SWALIM ku soo gaaraan waqti-isla markiiba  ah iyadoo uu soo marayo dayaxgacmeed soo daaya afartii saacba mar. La socdka cimilada waxaa suurogeliyey xiriir wadashaqayn oo u dhexeeya SWALIM iyo wasaaradaha Soomaaliya, iyo sidoo kale hay’ado kale oo gudaha dalka jooga. Iridda laga galo xogta waxay u ogolaaneysaa isticmaalayaasha in ay kala miiraan/shaandheeyaan xogta la helikaro si ku saleysan goobo, waqti, qaab xog waxsoosaar iyo taariikh.

 

 

 

 

 

 

                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                             Map showing location of stations in Somalia

Somali