Habab Khad-dansan

Habka Maareynta Macluumaadka Waraabka

Gobollada ku dherersan Webiyada Shabeelle Iyo Juba waxaa badanaa lagu sheegaa in ay yihiin dambiisha/salladda rootiga Soomaaliya. Kahor dagaalka sokeeye, gobolkaan wuxuu ku naaloonayey hab waraab oo xoog leh kaasoo suurogeliyey in la soosaaro intaas oo tan oo cunto ah oo ah wax deegaanka lagu quuto iyo wax la dhoofiyo. Hase yeeshee sanado badan oo dagaal sokeeye jirey ayaa waxaa dhacay in habka waraabku u baahdo dayactir. Si loo sameeyo wax macne leh iyo ku talogal dayactir suurogal ah, SWALIM iyo lahawlgaleyaal ayaa gartay baahida loo qabo in helo il dhexe oo macluumaad oo ku saabsan xaaladda kaabayaasha waraabka, hawlgallada iyo beeraha. Habkaan Macluumaadka Maareynta Waraabka waxaa loo sameeyey inuu siiyo isticmaaleyaal goob madal oo ay ka ogaadaan waxa la helikaro, la weydiiyo habka xogaha-keydsan ee gaar ahneed, samayn falanqayn asaasi ah, daabicid khariidado iyo sidoo kale soo degsasho iyo wareejin xog iyo macluumaad lagu habeynayo gaar ahaan desktop-ka iyo bandhigidda aalado la adeegsado. Habku wuxuu ka kooban yahay afar qeybood:

  • Qeyb kaabayaal waraab oo koobeysa xog ku saabsan keliyo, biyo-xireenno, kaabayaal iyo godad biyo hoos maraan.

  • Qeyb beero oo ka kooban qorsheyaasheyaal, noocyo ciid iyo dalago la beerto.

  • Qeyb cimilo oo ka kooban goobo xarumo lagala socodo hawada
  • Qeyb hawlgal taasoo ka kooban macluumaad ku saabsan waxqabadyo hay’ado ku lug leh hawlgallo waraab gudaha koonfurta Soomaaliya.

Habkaan waxaa loogu talagalay in uu ku socdo Arc Reader oo waxaa lagu bixiyey DVD kaasoo rakibaya xog saldhig iyo software. Waa sahlan tahay in la rakibo oo buug loo fududeeyey isticmaalaha ayaa lagu daray gudaha DVD-da. Xogta saldhigga waxaa cusbooneeya SWALIM oo ku darta xog ay siiyaan lahawlgaleyaasha gudaha jooga. Si aad u codsato nuqul ka mid ah habka fadlan warqad u qor swalim@fao.org .

Tusmeeye Abaar Isgaartey

SWALIM waxay samaysay tusmeeye abaar cusub oo lagu magacaabo Tusmeeye Abaar Isgaartey Combined Drought Index. It is a statistical index comparing the present hydro-meteorological conditions with the long-term average characteristics in the same interest period.
Isagu waa tusmeeye tirokoobeed isbarbardhigaya xaaladaha jira ee biyo-cimiladeed (hydro-meteorological) iyo sifafaalaha celceliska waqti-dheer oo isku muddo la daneynayo. Sharaxaadda faahfaahsan ee tusmeeyaha iyo tibaaxaha xisaabeed  ee la xiriira waxaa lagu fasiray gudaha warbixinta SWALIM (SWALIM Technical Report No W-14) iyo bugga ka hadlaya “Lasocdka abaaraha iyo Tusmeeye Abaar Isgaartey“Drought Monitoring with the Combined Drought Index”. Habsamayska Tusmeeye Abaar Isgaartey waxaa lagu jitaabiyey Keenya, Soomaaliya iyo goobo Yurubku yaal, misna tusmeeyaha waxaa la isticmaalay intii ay jirtey abaarta ba’an gudaha Soomaaliya bilowgii sanadkii 2011. Waad soo codsan karta CD-ga adigoo waraaq u soo qoraya swalim@fao.org

Buug Khariidad Dhaqdhaqaaq

Si loo bixiyo ruqsad helitaan xog masaafadeed la tixraacay/tilmaansaday iyadoo aan la adeegsan habab macluumaad joqraafiyeed (GIS) ah, SWALIM waxay isticmaashaa  Software-ka Buugga Khariidadda Dhaqhaqaaq ee FAO si ay u daabacdo Buug Khariideedyo far-rebeed (digital) ah. Software-kan waa la isticmaalay maxa yeelay hay’adaha in badan iyo ururrada isticmaala macluumaadkayaga ma haystaan Software-ka ‘hab macluumaad joqraafiyeed ah’ (Geographic Information System (GIS) software). Xitaa ururrada haysta GIS, shaqaalahooda inta badan kuma shaqeeyaan software-ka maalin kasta. Hadda, SWALIM waxay daabacday afar Buug- khariidadeed – mid wuxuu khaas u yahay xogaha saldhigyada biyaha iyo dhulka ee SWALIM halka saddexda kale ay koobayaan qeybo kala duwan oo ah xog laga soo uruuriyey hay’ado kala duwan oo fadhiya gudaha Soomaaliya.

Buug-khariidadeedku waa wax u taagan isticmaalo gooni gooni ah, oo aan u baahnayn wax GIS software ah ama xirfado si loo isticmaalo. Wuxuu isu keenaya khariidado, jadwal xaliye (spreadsheet) iyo dokumentiyo qoraal ah oo wuxuu u qaabeysan yahay ama si bed deegaan ama mawduuc.  Buug-khariidadeedku wuxuu xog u dhoofiya Microsoft’s PowerPoint and Excel si uu ugu ogolaado isticmaaleyaal inay falanqayn dheeraad ah u sameeyaan ama xog u daabacaan. Meeshii ay lagama maarmaan noqoto, isticmaaleyaalshu xog waa ay u dhoofin karaan hannaanka ArcView GIS oo waa ku samayn karaan falanqayn GIS dheeraad ah. Si loo fududeeyo isticmaalka Buugga Khariidadeedka Dhaqhaqaaq, SWALIM si joogto ah tababar ugu qabataa gudaha Nayroobi iyo Soomaaliya. Sidoo kale waxaan sii hagaajineynaa hannaanka soo uruurinta macluumaadka si looga dhexdaro Buug-khariidadeedka iyadoo hay’ad waliba laga xulanayo qof lala xiriiro. Dhammaan xogta ay soo gudbiyaan si cad ayaa loo xusaa oo waa loo tixgeliyaa xaqqa nuqul-lahaanta hay’addii keentay. Waad soo codsan karta nuqulka buugga khariidadeedka Dhaqhaqaaq adoo waraaq u soo qoraya swalim@fao.org

Somali