Dedka Dhulka

Gudaha dhulka Soomaliya dhirtu waa kala duwan tahay oo waxay u dhaxeysa marka laga bilaabo keymaha Calaha/buuraha Goolis ilaa ayda/jiqda gudaha konfurta ee bey’adda  Laagta Badana. Goosgoos  geedo Takhi/Shawro ah ayaa laga helaa deegaanka Saylac, Berbera iyo Caluula ee xeebaha waqooyi iyo gudaha Kismaayo ee xeebaha konfureed Methodology for Monitoring Mangroves - Report No L19. Dhul cawsle ballaaran waxaa laga helaa gudaha Puntland iyo bacaad dhir teeteel ah ay ku dedan tahay leh ilaa qadar dhowr kiiloomitir oo ku teedsan xeebta.

Isticmaalka dhuka oo aan habooneyn ayaa wuxuu horseeday in dhirtii dedka dhulka asliga ahayd in si ba’an loo xaalufiyey, gaar ahaan gudaha waqooyiga Soomaaliya, iyo meelo kala duwan oo idilkeed la baabi’iyey. Baabi’intaan siisoconaysa ee dhirta nool waxay sidoo kale daciifisay dagaannadii xoolaha oo waxay yareysay carshintii, waxayna saameyn ku yeelatay duurjoogtii Soomaliya iyo kheyraadkeedii calaf u badnaa, xoolaheedii (riyo, ido, geel iyo lo’)..

 

                                                                             Mangroves in Somaliland                                          Sida bedka/masaaxada dhirtu ugu filiqsan tahay gudaha Soomaaliya waa sida soo socota;

  • Dhul xeebeedka bananka gubanka dhirtu waxay qaalib ahaan ka kooban tahay geedgaab (caws iyo nagaar). Dhirta qeybta gobalkaan waxay ku fidsan tahay darafta hoose iyo janjeerada Buuraha Goolis. Inta u dhaw buuraha, dhirtu qaalib ahaan  waa geedo teelteel oo geed-qodaxeed ah (Acacia), quud, kidi, shilin, kullan (Balanites aegyptiaca), iyo ururro geed-quwaax ah (Commiphora) oo ay ka mid yiihiin noocyo moxor ah.
  • Gudaha dhulka berriga oogada dhirtu qaalib ahaan waa geed-gaab kala furfuran iyo geedo looxle sare oo ah Galool (Acacia bussei), Sogsog/sigib (Acacia etbaica), meygaag (Boscia spp), Caanamacays, qalaanqal (Cadaba spp), iyo bilcil (Acacia mellifera).
  • Gudaha waqooyiga buuraha silsiladda Goolis dhirtu waxay isugu jirta geedo abid-cagaan oo Dayib ah (Junperus procera and Juniperus excels) iyo gee-gaab kala furfuran oo dhosoq ah (Buxus hilderbrandtii), Xayramad (Dodonea viscose) iyo ayrab, bisiq iyo hareeri (Terminalia brownie), iwm. Waagii hore, keynta Goolis waxay badanaa ahayd mid aan dhex degganayn oo la ilaaliyo halka ay maanta uu sii kordhyo cadaadiska isticmaalka ka faa’ideysiga ah. Weliba hadda waxaa jira meelo dad dagmetstay.
  • Gudaha banaannada bartamaha, dhirtu waa kala cayn oo u dhexeysa dhul cawsle ballaaran oo ku dherersan bacaadka aan guurguurin/xasilan oo u sii badalma hawd geed-gaab ah iyo geedo-sare oo teelteel ah ay dhex jiraan marka loo kaco xagga xadka Itoobiya. Geedaha iyo jiqdu waxay isugu jiraan caws duur (Andropoon kelleri), Dareemo (Chrysopogon aucheri), Sifaar (Soporobolus ruspolianus), Jillab (Indigofera ruspolii), Geed-qodaxle (Acacia spp.), Geed-quwaax (Commiphora spp.), Gud (Cordeauxia edulis), Lebi (Delonix elata), Bisiq (Terminalia orbicularis) iyo Garas (Dobera glabra) etc. 
  • Gobollada konfureed (gaar ahaan dhooboyda), noocyada dhirtu waxay u badan tahay geed-qodaxle jiq ah oo caleenta qubta (Acacia spp.) taasoo ku sii fidda xagga deexda/ bacaadada xeebaha.
  • Meelaha qaarkood hareeraha webiga Juba waxaa ku yall keymo webiyeed.                                                    

Qaybo takhi/shawro ah ayaa ka baxa meelaha togagga/laagaha ay si xilliile ah u soo gaaraan darbadda biyaha Badweynta Hindiya iyo Gacan Cadmeed. Meelahaas waxaa ka mid ah Bushbush, Caanoole iyo Laag Badanaa. Geedaha takhayda/shawrada, waxay, sida keymaha Goolis, la kulmeen cadaadis kordhayey oo ka faa’ideysi ganacsiyeed ah.

Sharaxaad ku saabsan noocyada muhiimka ah ee dedka dhulka iyo unugyada dhirta iyo goobahooda laga helo oo laba deegaan ah ayaa waxaa lagu faahfaahiyey gudaha warbixinta daraasadda: Land Cover of Selected Study Areas in Somaliland and Southern Somalia - Report No L-03.

Qeybaha geedaha sare ee keymaha, dhulal geedlooxle, iyo takhi/Shawro dhul qoyane ah waxay la kulmayaan cadaadis kordhaya oo ka faa’ideysi gacansi ah. Dhawr daraasadood oo heerar kala duwan ah ayey SWALIM samaysay waxaana laga helikaraa maktabadda daabacaadaha.

Somali