Xaaladda Jajabka-Gebiyada Webi Juba iyo Shabeelle – Sabteembar2016

Somali
Map
Title Language: 
English
Language: 
Abstract: 
Saadaasha roob-da’a Deryta 2016 (Oktoobar ilaa Nofeembar) waxay tilmaamaysa mid ah xaalad roobab caadi-u dhaw iyo caadi- ka hooseeya gudaha dooxooyinkaWebi Juba iyo Shabeelle. Hase ahaate, waxaa laga yaabaa in weli ay fatahaad ka dhacdo jiidda labada webi, gaar ahaan meelaha leh gebiyo webi oo furan/gebiyo webi oo tag daran, marka ay dhacdo qulqul webi oo kordhay. SWALIM waxay casryeysay xaaladda jajabka-gebiyada webiga iyadoo khariidadeysay oo isticmaashay Masawir dayax-gacmeed aad iyo aad u bayaansan iyo Muuqal joog tirsiyeed (Digital Elevation Model (DEM)); iyo sidoo kale indha-indheyn goobta gegida meeshii ay suurtogal ah. Saddex nooc oo jajab ayaa la aqoonsaday, oo lagu kala magacaabay: furan, suurogal, iyo xiran. Jajabka furan waa kuwa weli furan inta lagu guda jiro bisha Sabteemabar 2016. Jajabka suurogal waxay ka dhigan tahay meelo gebiyada webigu taag daran yihiin ama la kulmeen jajab waqti dhaw oo la soo dhaafay iyo meel wax yar ama hawlqabad aan laga samaynin. Tan waxaa ka mid ah jajab la xirxiray iyadoo la isticmaalayo kiishash camuud ah. Jajabyada la xirxiray waa kuwo markii hore furnaa balse ka dib la xirxiray iyadoo la isticmaalayo qalab makiinado culus ah, taasoo ka hortagtay fatahaad kale oo muddo gaaban iyo mid dheer. Khariidadaha ku lifaaqan waxay muujinayaan jajabyada furan iyo suurogal ee jiidda labada webi. Marka la soo kobo, toddobo (7) meel oo ka furan jiidda Shabeelle iyo 63 jiidda Juba ayaa la aqoonsaday.Waxaa kale oo la aqoonsaday dhawr meelo kale oo in ay jajabaan suurogal tahay oo u baahan in la xoojiyo. Hase ahaatee, waxaa mudan in la eego in habraacu uu si culus ugu tiirsan yahay masawirro dayax-gacmeed oo ay xadadan tahay ka soo xaqiijinta goobta dhulka. Mararka qaar gebi-jajabyada furan meesha waa laga saari karaa haddii masawirrada dayax-gacmeedku aysan bayaansanayn (tusaale, ded daruur culus) amase aan sinaba loo heli karin. Kkariidadaha xaaladda gebi-jajabyada webiga oo macluumaad faahfaahsan leh, ayaa la soosaaray oo heer ballaaaran ah iyo nuqullo waraaqadag oo laga heli karaa xaafiisyada SWALIM. Macluumaadkaan waa sidoo kale laga heli karaa Habka macluumaadka SWALIM ee Halista Fatahaadda iyo Maareynta Jawaabta (http://systems.faoso.net/frrims/rivers/riverbreakages).
Access conditions: 
Date of publication: 
September, 2016
Form: 
Notes: 
Source: