W-12 Diiwaagelinta Ilaha Biyaha ee Waqooyi Soomaaliya

Somali
Technical report
Title Language: 
Somali
Language: 
Abstract: 
Tirsiga macluumaad ilo biyo oo lagu ururiyey SWIMS oo ka yimid la-hawlgalayaal ka fulinaya mashaariic biyood gudaha geyiga duurka mar SWALIM II ay koobnayd. Waxaa kaliya oo la helay xogta 750 ilo biyood muddo sannad ka badan, oo marar badan xogtu waxay dabooshay qayb yar oo kaliya ah oo ka tirsan macluumaadka lagama maarmaanka ah. Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan noqoday in SWALIM u dhaqaaqo xagga geyiga duurka, oo ay diiwaangelin ku samayso dhammaan goobaha ilaha biyaha gudaha Soomaaliya. Waxaa sahan lagu bilaabay dalka oo idil, iyadoo lala kaashanayo UNICEF, meelaha biyaha aasaasi ah leh: ceelal-riig, ilo, biyo-xireenno iyo ceelal-gacmeedyo kuwaas oo biyo la cabo leh muddo dheer oo xilli qalalan ah. Waxaa gudaha Soomaaliya ka jira goobo badan oo ilo khayraad biyood ah, kuwaas oo si loo sahmiyo ay qaadan karto bilo badan. Ha ahaatee, ilahaan badankood waa kuwo xilliile ah, oo roobabka ka dib waara dhowr toddobaad oo keliya. Waxaa ka mid ah berkado iyo qaar ceelal-gacmeed ah, oo waxaa la isticmaalaa inta xilli-roobaadka ah oo kaliya. Marka ay martaan bulshooyinka degaanku waxay raadiyaan ilo biyood kale oo u badala. Dhaqaalaha kooban ee loo heli karo sahanka awgeed lama dabooli karo dhammaan ilaha biyaha gudaha dalka ka jira. Waxaa la sahmiyey oo keliya ilaha biyaha istaraatiijiga ah, maadaama ay yihiin isha biyood ee bulshooyinka maxalliga ah marka ilaha xilliile ay martaan (qalalaan). Sahanku wuxuu ka bilawday gudaha qaybta waqooyi ee dalka: Somaliland iyo Puntland, iyadoo qorsheyal la gaarsiinayo Koonfurta/Bartamaha Soomaaliya marka xaalad ammaan ay saamaxdo.
Access conditions: 
Our Copyright
Date of publication: 
January, 2009
Agris Subject Categories: 
Form: 
Notes: 
Source: