W-09 - Suroogalnimo Dhurasho Biyo-roobaad gudaha Soomaaliya

Somali
Technical report
Title Language: 
English
Language: 
English
Abstract: 
Soomaaliya waxay dabooshaa geyi ah 637,657 km2 oo dadka ku nool lagu qiyaasay in ay yihiin 7.5 milyan sanadkii 2003. Dhaqaalaha Soomaaliya wuxuu badanaa ku dhisan yahay beeraha (beeraha iyo xoolaha, tan dambe ayaa ah halbowlaha ugu weyn). Dhaqaalahu wuxuu si heer sare ah ugu tiirsan yahay helitaan biyood, taas oo iyana markeeda ku xiran roobka. Roobabka Soomaaliya ma aha mid yar oo kaliya, ka hoos 100 mm/sanadkii meelaha qaar, laakiin waxa uu leedahay isbedbedel sare oo xilliile iyo mid masaaxadeed (Lifaaqa 1 ilaa 5). Celceliska roobabka sanadle wuxuu dhexeeyaa 215 mm gudaha gobollada Waqooyi-bari ilaa uu ku dhawaado 550 mm gudaha gobollada Koonfureed iyo Bartamaha (SWALIM, 2007). Isudheelitirka biyaha dalka wuxuu muujinayaa uumibax ka badan roobabka ku daĆ” gudaha dalka oo idil. Waxaa intaas dheer, xaalado kale oo biyo iyo oogo dhul (hydro-physical conditions) oo saamayn xun (tabane) ku leh helitaanka biyo saafi ah waxa ka mid ah xaaluf dhul iyo calwidda oogooyinka biyaha. Xaaladda waxaa sii xumaatay 16 sano oo dagaal sokeeye jirey, gaar ahaan gudaha gobollada koonfureed. Tiro ka mid ah ururada maxaliga iyo kuwa caalamiyeed waxay bilaabeen barnaamijyo dib-u-dhisid, dhawris deegaameed iyo taageerid hab-nololeed rayid. Khubaradadu waxay qiyaasayaan in Soomaaliya ay ka mid tahay 13 dal oo Afrikaan ah oo wajihi doona biyo yaraan sanadka 2025. Dal waxaa la yiraahadaa waa mid biyo yar marka biyaha sannadlaha ee halkii qofkii heli karo ay ka hoosayso 1000 m3. Durba, Soomaaliya waxay leedahay wax ka yar 500 m3/Qofkiiba/sanadkii (UNECA, 2000). Tan waxaa loo tiriyaa roob-di'id goosgoos u qaybsamida xilliile iyo tan masaaxadeed oo xaddiga celceliska sanadle uu u dhexeeya 100 iyo 800 mm, uumibax sare, iyo waxqabadyo aadame oo sii xumeeya nabaad guurka.
Access conditions: 
Date of publication: 
October, 2007
Agrovoc terms: 
Agris Subject Categories: 
Form: 
Notes: 
21 fig.,14 plate,31 annex,8 tab.
Source: