SWALIM Waxay Qabataa Bandhig Macluumaad Wadaagis

SWALIM waxay u qaban doontaa shaqaalaheeda iyo la-hawlgalayaasheeda laba " Maalin oo Macluumaad Wadaagis" oo ay ugu qabnayso xafiisyada FAO Soomaaliya ee Nairobi 12 iyo 13 July, 2016. Maalmaha uu furan yahay bandhiggu waxaa la damacsan yahay in daneeyayaasha lagu wargeliyo hawlaha SWALIM iyo in lala wadaago habka xilgudashada ugu habboon, iyadoo ka qaybgalayaasha loo oggolaanayo in ay xogogaal u noqdaan farsamooyinka soo baxaya oo ay si waaqici ah u arkaan hababka qiimaha leh ee cusub oo ay SWALIM u isticmaasho ka guulgaarista hawlaha loo igmaday. Inta lagu jiro kulamada, ka qaybgalayaasha waxaa la siin doonaa muuqaalka guud ee Abaal-marinta mashruuca SWALIM ku guulaystay iyo wax-soo-saarka iyo adeegyada la siiyo macaamiisha iyo la-hawlgalayaasheeda. Waxaa sidoo kale jiri doona bandhigyo ku saabsan isticmaalka waxa ay SWALIM soo saarto iyo fursad ay kula hadlaan saraakiisha SWALIM oo ay ka qayb galaan doodaha guud. Soo bandhigga iyo khudbaduhu waxay ka dhici doonaan Qolka Shirarka Jorge iyo Yahye iyo hareeraha xarunta FAO Soomaaliya.

Adidas shoes | Adidas Yeezy Boost 350 V2 - Core Black Red — Ietp

Somali