La-hawlgalayaasha SWALIM iyo Hay'adaha Musiibooyinka Maxalliga

SWALIM waxay wadaa inay xoojiso la-hawlgalideeda maamullada maxalliga ee maareynta musiibooyinka; sida HADMA, NERAD, iyo SoDMA oo kala jira gudaha Puntland, Somaliland iyo gobollada koonfureed iyo Bartamaha. La-hawlgalyada waxaa lagu doonayaa in la xoojiyo hababka digniinta hore ee hadda ka jirta gudaha Soomaaliya. Bisha July waxaa tababar ku saabsan Yareynta Halista Musiibooyinka iyo Digniin hore lagu qaban doonaa mid kasta oo ka mid ah saddexda gobol si loo kordhiyo awoodda maxalliga ah oo loo yareeyo khataraha musiibooyin oo la dhiso adkeysiga bulshada. Ka qaybgalayaasha tababarka waxaa inta badan laga kala keeni doonaa wasaaradaha dawladda. Tababarku wuxuu qayb ka yahay hab isku dhafan oo lagu dhisayo adkeysiga bulshooyinka dalka ee uu taageero Sanduuqa Wadajirk Bani’aadamnimo (Common Humanitarian Fund (CHF)).

nike dunk high black leather chair for sale | Zapatillas Running - Ofertas para comprar online y opiniones

Somali