BIYO DHUL-HOOSE

Marka la reebo dadka ku nool dacallada webiyada Juba iyo Shabeelle, dadweynaha Soomaliyeed wuxuu ku tiirsan yahay biyo dhul-hoose xag nolol qoys, xoolo iyo waraab beero yaryar. Ilaha biyo dhul-hoose ugu muhiimsan Soomaaliya waa ceel-riigyo, ceel-gacmeedyo iyo ilo burqada.          

Ceel-riigyadu waa ilaha biyood oo aad lama huraan uga ah gudaha Soomaaliya, maadaama ay badankood biyo leehiin sanadka oo idil oo biyo laga helo marka ay guraan ilaha kale. Inta badan Qota-dhererka ceel-riigyada ugu badan gudaha dalka wuxuu dhexeeyaan 90m ilaa 250m; laakiin meelaha qaar qoto-dhererku wuxuu gaarikara in ka badan 400m.

Ceel-gacmeedyada intooda badan qoto-dhererku waa ka gaaban yahay 20m. Biyaha laga soosaaro ilahaan meelba waa ka duwan tahay meesha kale, waxayna ku xiran tahay gunta maax-biyood. Inta badan ceel-gaagaabyada waxay soosaaraan wax u dhexeeya 2.5 iyo 10 m3 /saacaddii, marka la barbardhigo waxsoosaarka ceel-riigyada intooda badan oo clcelis ahaan u dhexeeya 5 ilaa 20 m/saacaddii.

Horumarinta kheyraad biyo dhul-hoose cusub gudaha Soomaaliya waxaa horimanaya dhibaatooyin niyadjab leh, oo ay ugu daran tahay biyo tayo liidata. Ilaha dhul- hoose badankood gudaha dalka waxay leeyihiin heerar cusbo/milix ka sareysa, 2,000µS/cm, taasoo ka koreysa xadka loo baahan yahay ee biyo la cabo. Sidoo kale ceel-gaagaab badan lama daryeelo waxyaalo ku dhaca, taasina waxay ka dhigtaa inay noqdaan jeermigaleen iyo diqoow/wasakhaw.

SWALIM waxay si dhow ula shaqayneysay Maamullo Dawladeed Biyo ee Soomaaliya iyo kooxaha Qaramada Miidoobay u qaabilsan (biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda) inay horumariyaan habab lagula socdo ilo biyo laga helo gudaha Soomaaliya. Sanadkii 2006 waxaa la abuuray Hababka Maareynta Macluumaadka Ilaha Biyaha Soomaaliya (Somalia Water Sources Information Management System Somalia Water Sources Information Management System (SWIMS)), si loogu talagalay Maareeynta xogta ilaha biyaha.

Ka dib 8 sano oo la isticmaalayey iyo talooyin dib looga helay lahawgaleyaasha, waxaa sanadkii 2014 gudihiisa dib loo dhisay oo gunta laga bilaabay ilaa la gaarey hab dhaqdhaqaaq, muuqaallo xardhan (graphical online system) iyo khariidad nool oo ilo biyo soo bandhigta.Water Sources Live Map                                                                   Ground Water Sources as at September 2014                                        

SWALIM waxay dhamastirtay sahanka biyaha dhul-hoose ( hydrogeological survey and assessment of selecetd areas in Somaliland and Puntland, ) iyo qiimaynta meelo la doortay oo ku yaal gudaha Soomaliland iyo Puntland, sida gundhig biyo dhul-hoose oo aad wax-ku-ool ugu ah isticmaal raandhiis leh (waarikaraya). Warbixintaan waxay ujeedaa in:

  • La cusbooneysiiyo aqoonta sahanka biyo dhul-hoose (hydrogeological survey) ay u baahsan yihiin iyo ka helista gudaha geyiga la darsay
  • Diyaarin xog-saldhig Hannaan Macluumaad Joqraafiyayeed (Geographical Information Systems (GIS)) ah sida saldhig ugu noqosho hawlo dambe oo la xiriira ka faa’ideysi biyo dhul-hoose iyo daryeel
  • Tilmaamid meelo rajo fiican u leh in biyo dhul-hoose la horumariyo, daraasad faahfaahsan aqoon sahan biyo ku dhisan (hydrogelogical studies) iyo ceel daloolin.
  • IKor-u- qaadis awood maxalliah ee sahmino biyo dhul-hoose

 

 

    Hydrogeological Survey Report                            

Somali