BIYAHA DUSHA SARE

Kheyraadka biyaha dusha sare ugu muhiimsan Soomaaliya waa labada webi oo joogta u socda, Juba iyo Shabeelle, labduba waxay ka yimaadaan Itoobiya oo waxay ku shubaan Badweynta Hindiya, iyagoo dhex jibaaxa qeybta koonfureed ee dalka. Labada webi waxaa xilliyada lagu arkaa kala duwanaasho weyn ee qulqul laakiinse kulli ahaan ma engegaan. Qulqul xoog leh waxaa la arkaa inta lagu jiro xilliyada qoyaanka (Abriil – Juunyo iyo Sebteembar - Nofeembar), oo mar-mar webiyadu waxay jabsadaan gebiyo taag daran oo ku fatahaan dhul ollog la ah. Xilliga oomanaha mugagga webi qulqulku aad ayuu u yaraadaa. Celcelis ahaan qulqulka Webi Juba waa 186 m3 marka la joogo Luuq (u dhow xadka Itoobiya) halka celceliska qulqulka Shabeelle uu yahay 75 m3  oo keliya ma la joogo Beled-weyne (sidoo kale u dhaw xadka Itoobiya).

Halkaan waxaa laga helikaraa xogta qulqulka webiga waqtigan la joogo iyo mid taariikheedba ee webiyada Juba iyo Shabeelle (Juba and Shabelle Rivers is acceessible here)

Tiro webiyo xilliile ah (xilli-xilli socda), oo looga yaqaan togag ayaa ka jira Soomaaliya. Webiyadaan waxay socdaan oo keliya inta lagu jiro xilli roobaadyada, oo ka dib marka ay da’aan roobab mahiigaan ah, qulqulkooda badanaa waxaa weheliya daadal walalac ah. Xilliyada oomanaha, togaggu waa engegan yihiin, inkasta oo dixda dhusha ka hooseysa laga qodan karo ceealal qaar ka mid ah togagga guntooda meeshii heer maaxda biyood ay qoto-gaaban tahay. Biyaha dusha sare ku ceshooma meelo godaan dabiici leh sida galal balli, waro gacan-samays ah, harooyin iyo berkado dad qoday oo loo isticmaalo waraab dad iyo xoolo.  Hase ahaatee, inta badan ilaahaan waxay biyo ku jiraan muddo kooban oo keliya, dadkuna kuma tiirsanaan karo iyaga inay sano oo idil biyo ka helaan.

 

                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                      Drainage Systems of Somalia

Somali