Saameynta kormeeridda daamanka webiga Jabsan ay ku leedahay bulshooyinka degan hareeraha Juba iyo Shabeelle

Soomaaliya waxay leedahay laba webi oo joogto ah, Juba iyo Shabeelle, labduba waxay soo dhashaan buuraleyda sare ee Itoobiyaha. Biyo-rogga sare ee labada webi (ee Itoobiya gudaheeda) waxaa ka yimaada wax ka badan 90% biyaha qulqulaya, halka inta kale ay ka timaado gudaha Soommaliya. Meelaha dacallada labada webi waxaa ku yaal ciid waxsoosaar beereed leh, iyo biyo waraab laga helayo ku dhawaad sanadka oo idil halkaas oo fursad xoogan oo waxsoosaar beereed leh. Biyo-qabadyada waxaa inta badan lagu tilmaamaa sida meel ah “dambiisha rootiga” ee Soomaaliya.

Beerashada dacallada webiyada Juba iyo Shabeelle waxay badanaa ku dhisan yihiin waraabka cuf ahaan la weeciyo taas oo ay ugu wacan tahay baxaalliga dhulka oo ku wanaagsan. Biyaha waxaa laga weeciyaa webiga oo la mariyaa dhismeyaal keliyo, oo suurtogasha in ay ku qulqulaaan kanaallada koowaad, labaad iyo saddexaad ah. Waqtigii taliskii hore shabakadda waraabka iyo kaabayaashu waxay ahaayeen kuwo si fiican u hormarsan, isugu dubbaridan, shaqeeya oo qaab-dhisme dayactiran leh. Maamullada Maareynta Webiga ayaa la sameeyey oo hoos iman jirey Wasaaradda Beeraha si ay u kormeerto hawsha kaabayaasha waraabka oo ay u xadeyso qulqulka webiga si loo sugo biyo helitaan ay u siman yihiin isticmaaleyaasha dhank sare iyo kuwa dhanka hoose labadaba. Dayactir joogto ah ayey sidoo kale Wasaaradda Beeraha ay webiga ku samayn jirtay, oo ka mid yihiin carrobixinta dixda webiga iyo xoojinta daamanka webiga.
Burburkii Dawladdii Soomaaliya, iyo dayactir la’aantii isdabajoogtay awgeed, kaabeyaashii waraabku waa burbureen. Sidoo kale waxaa baaba’ay Maamulladii webiga loo sameeyey, oo siisay fursad isticmaal biyood oo aan xad lahayn oo aan tixgelineyn isticmaaleyaasha dhanka hoose jira. Beeraleyda waxaa sidoo kale lagu khasbay inay faruuraan daamanka webiga si ay ugu suurtogasho in biyuhu ugu soo weecdaan xagga beerahooda marka qulqulku uu hooseeyo, maadaama ay hawlgabeen xadeeyeyaashii madaxa kanaalka iyo kaabayaashii kale ee waagii hore loo isticmaali jirey in biyaha loogu weeciyo beerahooda dhexdooda.
Carrofariisi culus ee ka dhashay isticmaalka dhulka oo liita ayaa si laxaad leh u yareeyay awoodii qaadka biyaha biyomarennada labda webi ee Juba iyo Shabeelle. Sidoo kale waxaa isla waqtigaas daciifay daamanka webiga, taas oo ay ugu wacan tahay muddada dheer ee aan dayactir jirin. Sida natiijadu tahay, oo ay weheliso beeraleyda faruuraya daamanka webiga oo ulajeedoonyin waraab ka leh, waxaa sanadahaan dambe aad u kordhay halista fatahaadda ka timaadda labada webi. Waa ay yar tahay in xilli roobaad uu gudbo iyadoo fatahaado qarbudaad u geysan bulshooyinka dacalladooda degan aysan dhicin, taas oo ku badan qaybaha dhexe iyo kuwa hoose ee Webi Shabeelle. Si loo yareeyo saameynnada fatahaadda ka dhalata Juba iyo Shabeelle, SWALIM waxay bilowday kormeeridda gebiyada-jabsan ee webiga laga soo bilaabo sanadkii 2014 iyadoo adeegsanayo masawirro dayax-gacmeed oo aad u bayaansan. Iyadoo la isticmaalayo Dareeme Fog (Remote sensing) iyo aalado GIS ayaa waxaa la aqoonasadaa gebiyada-jabsan oo furan ee webiga ugu yaraan hal bil ka hor waqtiga bilaabashada roobabka Guga iyo Deyrta. Meeshii ay ka suurtogeli karto waxaa sidoo kale la sameeyaa in la soo xaqiijiyo goobta daaman jabsan ay ka jiraan. Natiijada hawshaan ka dhalata waa khariidad xog-saldhig ee daamanka jabsan ee webiga, oo muujinaya meelaha furan, kuwa suurtoobi kara, iyo kuwa xiran (Muuqaalka xx ee hoose).
Khariidadda xaaladda gebiyada-jebsan iyo xogta- saldhigga waxaa lala wadaagaa Dawladda Fadaraalka iyo hawl-la-wadaagta waxqabadyada si loogu hawgalo ka hor inta uusan bilaaban xilli roobaadku. Isla macluumaadka ayaa sidoo kale laga dhigay mid lagu helo khadka Internetka iyadoo loo marayo xiriirka ah: http://systems.faoso.net/frrims/rivers/breakages.

Somali
Thumbnail Image: 
Feature Article: 
No
Thematic classification: